“Reer Awdal Wixii ka Maqani Waxay Ka Maqan Yihiin Dalkooda Ee Mucaaridka Kaga Maqna”

0
352

Boorama (Dawan):   Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mudane Maxamed Jaamac Abgaal ayaa farriin adag u diray Xisbiyadda Mucaaridka ah isaga oo uga digay in Shacabka reer Awdal ay cod kaga doonaan wax aan Jirin.
Maxamed Jaamac Abgaal, waxa kale oo farriin hogotusaaleyn  ah u diray bahda  Saxaafadda Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ay ilaaliyaan masuuliyadda ka saaran qarannimadda iyo xasiloonida dalka.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaaladda Boorame ee Xarunta gobolka Awdal, waxaanu wasiirku shirkaasi jaraa’id kaga hadlay arrimo kala duwan.
 
isagoo fariin u dirayay warbaahinta iyo xisbiyadda mucaaridka ah,   waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan laba farriimood u kala diro saxaafadda iyo xisbiyada mucaaridka ah oo halkan (gobolka Awdal) wax ka baadh baadha. Saxaafadda waxaan ka codsanayaa waxaa runta ah ee dalkeena ka socda, ee wanaag iyo horumar ah in aad nagula garab gashaan, anaga oo aan idinka baryayn in aad wax noo qarisaan, laakiin waxaanu idinka codsanaynaa, hadba xaaladaha dalka ka socda, haddii aad idinku garab yaacdaan xumaanta oo aad dhinaceeda u badisaan, ogaada dalka waynu wada leenahaye oo xil baa inaga wada saran. Waxaan idinku adkaynayaa in aad dhinaca samaha u badataan, in aydaan xumaanta iyo dhibta aydaan u gargaarin ee aad u gargaartaan wanaaga iyo samaha.”
 
Wasiirku  waxa uu baaq u jeediyay axsaabta mucaaridka ah ee dalka, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan rabaa in aan farriin adag u diro dadka xumaha doonka ah ee nooc kasta leh ee dalka jooga, waxaan u sheegayaa in aanay jirin xukumaanta ay ka raadinayaan Boorame iyo Awdal, Axsaabta mucaaridka ah ee loolanku naga dhexeeyo waxaan doonayaa in aan faro, waxaa jira rag ka mid ah asxaabta mucaaridka ah oo qayb ka ahaa tabashada ay reer Awdal tabanayaan qayb wa ku lahaa oo qayb wayn ka geystay, ilaa hadda oo odayadii, dhalinyaradii iyo haweenkii reer Awdal isla garteen in ay tabashadooda xukuumadda u gaystaana, oo ay nidaam wanaagsan ku doontaan, ka hor maanu maqli jirin reer Awdal wax baa ka maqan, in ay mar walba xoqaan halkaas oo ay yidhaahdaan wax baa ka maqan waxaanu u aragnaa waxba ha siinina.”
 
Mudane Maxamed Jaamac Abgaal, waxa kale oo uu intaa raaciyay “Reer Awdal hadday wax kaga maqan yihiin dalkooda iyo dadkooda ayay kaga maqan yihiin halka ay u marayaana way garanayaan ee xisbiyada mucaaridka waxba kaga maqna, hadday run sheegayaan ta ka duwan ee ay hayaan ha sheegaan oo ha soo qoraan oo hasoo dhigaan, afartanka wasiir ee muhiimka ah ee ay bixinayaan ha soo qoraan, anaga oo dhan ayaa codka ku siinayna aniga oo wasiir ah ayaa cod ku siinaya, laakiin hadii suuqa iyo saxaafada uun laga yidhaahdo reer Awdal ayay wax ka maqan yihiin, adeer cuqdadka noocaas ah dad qaba ma nihin, wixii na qabta anaga ayaa sheegan doona, laakiin iyaga waxaan farayaa waar wanaaga iyo waxa aad dadka u haysaan sheega.”
 
dhinaca kale wasiirku waxa uu ka hadlay arrimo uu ku tilmaamay  been abuur, waxaanu sheegay in waxyaabahaasi ay  yihiin kuwo aanay waxba ka jirin. Waxa kale oo uu Abgaal ka waramay qodobo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Awdal.
 
“Qodobaka maanta dalka ka taagan ee laga sheekaynayo ee aan jirin ee beenta ah ee la leeyahay Itoobiya ayaa la jirta oo cid bay soo waddaa. waar Itoobiya way ka wayntahay waxaas, yaan lagu gefin dalalka jaarka ah, xukuumadda deena iyo dalka Itoobiyana waxaa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo waliba dhinaca amniga u badan. Haddii aynu hadalkoodaa u raacno oo ay run noqotaba, ee ay wadaan inamada qurbaha jooga iyo website yadu, reer Awdal marka aynu nahay ama Samaroon ba haddaynu saddex habrood oo reer Sheekh Isaxaaq ah aan wax la qabansan kari waayo, ama aan wax wada lahaanshaha iyo walaalnimada ku iloobo oo wer-wer iga galo in aan la noolaan kari waayo, waar ma boqol milyan oo konton qoomiyadood oo kala duwani ku nooshahay, oo konton diimood oo kala duwan iyo konto af oo kala duwan ay ka jiraan ayaan ku dhex noolaan karnaa, soo magaca Samaroon ha baaba’o maaha, soo tafiirteena ha laawyo maaha.” ayuu yidhi Wasiirku.
By. Axmed Maxamed Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply