Xoghayihii Hore Ee SOLJA Oo Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Hargeysa

0
398

Hargeysa (Dawan): Alle ha u naxariistee xoghyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, ayaa shalay si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Xeedho ee duleedka waqooyi ee Magaalada Hargeysa.
Bahda Saxaafadda,Qaar ka mid ah Wasiirada Xukumadda, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Xildhibaano, Maayarka Hargeysa iyo Kumanaan qof oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.
Maxamed-rashiid ayaa ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala Nairobi oo lagu daweynayay ka dib markii Gaadhi kula dhacay Duleedka magaalada Berbera.
Dadka Aqoonta dheer u lahaa Maxamed-rashiid ayaa ku tilmaamay Shakhsi Mabda leh, kaalin laxaad lehna ka soo qaatay Xorriyiadda Saxaafadda, isagoo haatana ku god galay isagoo ku hawlan Xorriyadda Saxaafadda.
Madaxda iyo Bulshada kala duwan ee Aaska ka qayb galay ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo ehelka,Asxaabta iyo Bahda Warbaahintana Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta  C/waaxid C/qaadir  oo tacsi ka diray goobtii uu ka dhacayay aasku. “Maanta (shalay) halkan waxa aynu ku aasaynaa Xoghayihii Guud ee hore ee Ururka Saxaafada Somaliland marxuum Maxamed  Rashiid Muxumed Faarax, Illaahay waxa aanu uga baryaynaa inuu ka waraabiyo  Janno fardowsa, eheladii, qaraabadii iyo  bahda saxaafadda iyo shacbiga Somaliland ba  waxaan Illaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, beddel khayr qabana ugu beddelo, sidaa dadkii iga horeeyay sheegeen waxa uu Maxamed Rashiid ahaa shakhsi  ay ku wayn tahay dhiirrigelinta saxaafadu, Illaahay waxa aan  uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo” .
Afhayeenka Madaxtooyada   Axmed Saleebaan Dhuxul, oo isna ka hadlay halkaas waxa uu  yidhi “Anaga oo ku hadlaya afka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan tacsi halkan uga dirayaa eheladii, qaraabadii iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacbiga Somaliland inuu  samir iyo iimaan ka siiyo, isagana Illaahay Jannadii ka waraabiyo”.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh, oo ka mid ah dadkii ay inta badan wada shaqeeyeen Maxamed Rashiid.
 
“Marxuum Maxamed Rashiid waxa uu noogu yimi wargeyskii Jamhuuriyad 1995-kii oo uu ku soo biiray mihnadda saxaafadda, waxaanu ahaa shakhsi aad u firfircoon,  muddo dheer waxa uu joogay Wargeyska Jamhuuriya, markii danbe waxa uu aasaasay wargeyska Saxafi  oo uu imika Guddoomiye ka ahaa, eheladii, qaraabadii  iyo bahda saxaafada inuu samir iyo iimaan ka siiyo, isna Ilaahay ka waraabiyo Janno fardowsa”.
Waxa kale oo  iyaguna tacsi ka diray goobtaas xabaasha dusheeda mas’uuliyiin  ka tirsan saddexda gole qaran, golaha wasiirrada, golaha baarlamaanka, golaha guurtida, golaha deegaanka caasimadda iyo guud ahaan bahda saxaafadda Somaliland, madax dhaqameed, culima aw diin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, waxayna Illaahay uga baryeen inuu Janno Fardowsa ka waraabiyo.” Ayuu yidhi agaasimuhu.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply