Markab la Heehaabaya Tahriibayaal oo laga Helay Badda

0
430

Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa la wareegay markab ganacsi oo ay saaran yihiin tahriibayaal kana baxsadeen shaqaalihi markabkan waday.
Markab sita calanka Sierra Leona ayaa loo soo jiiday dekad ku taalla koonfurta dalka Talyaaniga.
Horaantii todobaadka dad soo galooti ah ayaa laga badbaadiyay markab kale oo kuwa xamuulka ah oo ay ka carareen shaqaalihii waday.
Markabka Ezadeen wuxuu muddo saacada uu iska dul heehaabayay iyadoo aanay wax shaqaale ah saarneyn, xeebaha koonfurta bari ee dalka Talyaaniga.
Hawlgalka samatabaixinta ayaa socda hadda oo ay wadaan ilaalada xeebaha Talyaaniga.
Dayaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Talyaaniga iyo ilaalada xeebaha Iceland ayaa halkaasi jooga iyaga oo qayb ka ah hawlgalka dhinaca soohdinta ee Midowga Reer Yurub.
Warar laga helay Iceland ayaa sheegaya in cimilada oo xun iyo hirarka badda oo sareeya inay caqabad ku noqdeen hawgalada la doonayo in lagu gaadho, oo dib loogu helo maamulka markabka, oo cid waddaa hadda aanay jirin.
Dadka saaran hadda waxay u tahay taasi mid aan mar dhaw dhici doonin.
Xaaladda ayay u badan tahay in aanay ku wanaagsaneyn bini’aadam markab 49 jir ah oo xoolaha uun lagu qaado.in dad lagu qaado
Waxay u muuqataa inuu u diiwaangashan yahay shirkad laga leeyahay Lebanon, isla markaana uu gacanta u galay kooxo dadka tahriibiya oo aan waxba kala jeclayn.
 
 

Leave a Reply