Kansarka oo la Sheegay inuu ka Dhasho Nasiibka

0
399

Cilmibaadhis cusub ayaa muujisay in inta badan noocyada Kansarka ay ka dhashaan nasiib xumo, balse aysan ahayn hab nololeedka, ama wax la iska dhaxlo, iyo deegaanka.
Cilmi-baadhayaashan ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa baadhay 31 nooc oo ka mid ah Kansarka, waxaana u soo baxay in seddax meelood laba meel ay ka dhashaan unugyo u kala go’a si aan qorsheysneyn.
Qeybkastaa waxa ay tahay isbedel halis ah taas oo sababi karta Kansar si nasiib xumo ah ugu dhaca qofka.
Seynisyahaniintan ayaa sheegaya isbedellada habka nolosha ay gacan ka geystaan cuduro sida kuwa haragga ku dhaca ama Kansarka ku dhaca sanbabada.

Leave a Reply