Hoos U Dhacyo Ku Yimid Waxsoosaarka Saliida Koonfurta Suudaan

0
384

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa hoos u dhaca ku yimid sannadkii dhamaaday 2014 dakhliga  waxsoosaarka shiidaalka, iyadoo loo sababaynaayo isku dhacyada ka socda qaybo ka mid ah goobaha laga soo saaro saliida.
Waxsoosaarka Saliidu waa isha ugu muhiimsan ee dakhliga ee Koonfurta Suudaan.
Wasiirka waxsoosaarka Saliida u qaabilsan Stephen Dow Duo ayaa sheegay in dakhliga saliidda ee dalku soo saaray  sanadkii la soo dhaafay hoos u dhac ku yimid  heerka taas oo ay keentay dagaalada ka dhacay gobolada Saliida lagasoo saaro.
Sanadkii la soo dhaafay waxsoosaarku soo gaadhay dakhliga saliidda uu ahaa $ 3.38 billion markii hoos u dhaca ku yimidna uu gaadhay  36.6 million oo foosto, oo sabab u ah dagaalka, kaas oo ka qarxay December 2013 ka halgan awoodeed ee u  dhexeeya Madaxweyne Salva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar.
Dow  ayaa ku nuuxnuuxsaday in uu ku kalsoon yahay in wax soo saarka saliidu uu kor u kici doono sannadkan iyadoo awooda la saari doono afar ka mid ah goobaha saliida qaniga ku ah, iyo in qorshayaasha wasaaradda la horumariyo si loo sameyo tiro ka mid ah meelaha sahaminta batroolka iyo wax soo saarka.
Sida ka dhalatay dagaalada kumaan kun ay ku naf waayeen halka ay ku barakaceen  in ka badan hal milyan oo qof, ayaa sidoo kale keentay khasaare ku yimid waxsoosaarka beeraha.
Waxsoosaarka Saliidu ayaa kor ahaa ka hor intaanu dagaalku qarxin 245 kun oo foosto maalintii halka uu imika ka maraayo 160 oo foosto.
 
 

Leave a Reply