Wuu Is Dilay Wuxu Rumaysnaa Inuu Janada Gelayo

0
382

Nin Maraykan ah oo 50 jir ah aya gabadhiisa bastoolad ku dilay iyadoo jiifta Isbitaalka, ka dibana dhinaceeda isku dilay. Sida laga soo xigtay wargeysyada Ingriiska ninkan oo lagu magacaabi jiray Marc Lavoie ayaa bastoolad ku dhuftay gabadhiisa Catherne oo xanuun ay miyir beeshay hayay muddo dheer.  Waxayna ku neefsanaysay oo ku xidhnaa qalabka Macamalka ah.
Ninkan aya sheegay in uu aad u jecel yahay gabadhiisa iyo sidii ay ula dhaqmi jirtay , sidaas darteedna uu doonayo inay meel kale oo wanaagsan kuwada noolaadan oo ah Janada waxaana uu sidaasi ku qoray barta Facebook ee uu lahaa. Booliiska aya dhacadadan ula macaamilay inay tahay hawlgal dil iyo is dil ah oo dhinac caqiidada iyo aaminsanaanta ah taasi oo sidaasi ku soo xidhantay.

Leave a Reply