Bulsho Ka Doorbiday Berriga Inay Deegaan Badda Dusheeda

0
357

Bulsho ku dhaqan wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo The Tank Peaple ama dadka Doonyaha waxay dhago adeyg ka muujiyeen inay ka baxaan nolasha ay ku nool yihiin oo ay la qabsadana nolasha casriga ah, macnuhu waxa weeye dadkaasi oo ku adkeysanaya inaanay ka tageyn dhaqankooda iyo caadadooda oo ay ugu horeyso inay dhulka aanay ka helin inay guryo ka dhistaan oo ay ku noolaadaan, waxay doonayaan inay badda dusheeda guryo ka dhistaan oo ay halkaasi ku noolaadan.
Bulshadan oo ah bulsho kaluumaysato ah tiro ahaan waxay gaarayaan 7 kun waxay degan yihiin tuulo caan ku ah kaluumaysiga oo ka tirsan magaalada Ninge oo ka mid ah gobolka Fijian ee dhaca Koonfur Bari ee Wadanka Shiinaha.
Dadka tuuladan ku nool waxay ka soo jeedaan isirka dadkii loo yaqiin Tang Dynasty oo 700 Ciise ka dib, kuwaasi oo ku noolaa walina ku sii nool dhul xeebeedka Fujian ee dalka Shiinaha boqolaal kun oo qoysaskaasi ayaa badda dusheeda degay iyagoo isaga hayaamay dhulka, taasoo ay ugu wacnayd si ay uga fogaadaan dagaaladii dhul balaadhsiga ku saleysnaa iyo buuqa ka jira dhulalka la dego.
Intii aanay dhalan waxa maanta loo yaqaan Jamhuuriyada Dadka Shiinaha dadkan looma ogolyn inay u soo degaan dhulka ama ay guursadaan dadka kale ee ku nool dhulka berriga, waxaana wax walba oo qayb ka ah nolashooda sida guurka ilaa qabri aasida ay aheyd mid badda guudkeeda ay ku dhameystaan arinkooda.
Laakiin sanooyinkii la soo dhaafay dadkan iyagoo ka helaya  caawimaad hay’adaha maxaliga ah gaar ahaan kuwa dawladaha hoose waxay bilaabeen inay dhulka u soo degaan oo ay guryo ka dhistaan xeebaha kaabiga ku haya dhulka ama berriga, waxaase kumaan kun oo dadkan ka mid ah ay ku taagan yihiin inay badda guudkeeda ku noolaadan oo aanay kuba qabin kalsooni iyo nolol inay jirto ku noolaanshaha berriga.
Tuulada dadkan ku nool yihiin sida sawirka aad ku aragtaan waxay leedahay gaadiid ka dhex shaqeeya, balse gaadiidku ma ahan kan dhulka loogu tala galay ee shaashaga ama taayirada leh waa gaadiid badeed waana doonyo iyo saxiimado ay u adeegsadaan safaradooda iyo waliba hawlahooda kaluumaysiga.
Si la mid ah magaalooyinka ku yaal dhulka ayey dadkan meelaha ay ku nool yihiin waxay leeyihiin wadooyin loogu tala galay in gaadiid badeedku ka goosho, waxaana loo sameeyey qaabka laamiyada ama wadooyinka.
 
 
 
 

Leave a Reply