Guurtida Iyo Dooddii ay ku Lafo-gureen Arrimaha Bulshadda

0
389

Hargeysa (Dawan) –Mudaneyaasha Golaha Guutidda Somaliland ayaa shalay maalintii labaad sii ambo qaaday doodoodii xaaladda arrimaha bulshadda ee dalka.
Fadhigan oo uu gudoominayay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee aqalkaas Md. Siciid Jaamac Cali, Doodan ayaa waxa ka qayb qaatay qaar ka mida xildhibaanadii ku sugnaa fadhiga, iyagoo aragtiyo kala duwan ka bixiyay xaaladda bulsho ee dalku halka ay maanta marayso.
Badi xildhibaanadu waxay sheegeen in xaaladda arrimaha bulshada ee dalkeenu meel fiican marayso sida, nabad-gelyada, waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Waxaanay soo jeediyeen in loo baahan ayahay in wixii ka dhiman lagu darro lana sii horumariyo si bulshadu u hesho adeegyo fiican oo ku filan.
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan( indho-indho) oo ka mid ahaa xildhibaandii ka dooday qodobkan ayaa sheegay in dhibaato badan ku hayaan Eydu bulshada, loona baahan yahay in wax laga qabto, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Maanta eyda magaalada joogtaa kama yara adhiga jooga. Irbadii lagu mudi lahaa cidii ay qaniinaana dalka ma taallo, xeerkii xanaanada xoolahana ee aynu ansixinayna waxa ku taalla in la laayo Eyda wixii aan cidi lahayn.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta ay lacagta doolarku ku leedahay bulshada, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qof waliba waxa uu leeyahay doolarkii imisa ayuu marayaa, ma Maraykanbaynu nahay. Anigu waxaan soo jeedinayaa in aanay shirkadaha ama ganacsiga kaleba aan qofka la odhan ku bixi doolar, si ay u shaqayso lacagta Somaliland ahi.”
Xildhibaanku isagoo dooddiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan soo jeedin lahaa in iskuulka dawladdu uu ka fiicnaado kuwa gaarka loo leeyahay, in cusbitaalka dawladu uu ka wanaagsanaado kuwa gaarka loo leeyahay. Markaa waxaan leeyahay waxa kala dheereeyay wixii dawladu lahayd iyo wixii gaarka loo lahaa.”
Xildhibaan Maxamed Sh. Abokor oo isna doodda qodobkan aragtidiisa ka dhiibanayay ayaa waxa uu yidhi “Caafimaadka dalku wuu wanaagsan yahay, waxaan soo jeedinayaa in la sii xoojiyo oo lagu dedaalo sidii bulshadu u heli lahayd caafimaad tayo leh. Dawladaha hoose ee dalkana waxaan u soo jeedin lahaa in adeegyada ay bulshadda u qabtaan ay degmooyinka wada gaadhsiiyaan.”
Xildhibaan Jirde Siciid ayaa isna waxa uu ku dooday oo uu yidhi “Waxaan leeyahay si wax looga qabto arrimaha bulshadda waa in loo midoobaa sidii loo horumarin lahaa arrimaha bulshadeenna oo ah kuwo aad u balaadhan oo aan la soo koobi karin.”
Qodobkan ku saabsan xaaladda arrimaha buldhadda ee dalku halka ay marayso ayaa waxa ahaa qoddobka lixaad ee ajandaha kal-fadhiga 55aad ee golaha guurtida, kaas oo ay xildhibaandu ku gudo jiraan qodobadiisa.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply