Wasaaradda Warfaafinta Oo Dejisatay Qorshe Shan Sanadoodle ah

0
377

Hargeysa (Dawan)- Shir laba maalmood socday oo lagu dejinayay qorshe hawleedka wasaaradda warfaafinta ee shanta sannadood ee fooda inagu soo haysa, ayaa shalay lagu soo gabo-gabeeyay xarunta wasaaradaasi.
Shirkan waxa lagu qoddobeeyay arrimaha wasaaraddu ku xoogan tahay, meelaha galdaloolooyinku ka jiro iyo fursadaha ay waaxaha kala duwan  ee wasaaradu  awoodi karaan inay taabo-gal noqdaan.
 
Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Cilmi Aadan oo soo gabo-gabeeyay shirkaasi ayaa sheegay in macluumaadkii muhiimka ahaa ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ay falan-qeynayeen madaxda waaxaha kala duwan ee wasaaraddu la isku dubo-ridi doono si uu u noqdo qorshe dhamaystiran oo wasaaraddu ay ku shaqayso, waxaanu tilmaamay in qorshihii shirkaasi lagu gaadhay uu horseedi doono inay wasaaradda ku kasbato taageerada ha’yadaha caalamiga ah.
 
“Waxaan ku faraxsan nahay inaynu labadii maalmood ee la soo dhaafay aynu ka doodaynay oo aynu qabanay qorshihii ay wasaaradu ku shaqayn lahayd muddo shan sanadood ah, waa tallaabo aynu hore u qaaday, waxaan u mahad celinayaa khabiirkii hawlaha inoo fududeynayay iyo dhammaan ka qeyb qaateyaashii shirkan,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee warfaafintu, waxaanu intaasi raaciyay “Qorshahani  waxa uu innoo fududaynayaa sidii aynu u gaadhi lahayn hadafkeenna iyo halka aynu hiigsanayo, dhammaanteen dedaal ayaa la innooga baahan yahay.”
 
 
Waxa isaguna goobtaasi ka hadlay Maareeyaha Tv-ga Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas, waxaanu sheegay in qorshaha shirkaasi lagu dejiyay uu faa’iido weyn u leeyahay wasaaradda isla markaana uu yahay in la suntay tallaabo kasta oo la qabanayo.
 
“Qorshahani waxa uu la xidhiidhaa riyadeenna iyo himiladeenna, waan idinku ammaanayaa kaalintii aad ka geysateen samayntiisa oo aynu gacanta ku hayno, waxase aan leeyahay waxaad u diyaar garowdaan sidii loo fulin lahaa qorshahan aynu dejinayno oo loo dabiqi lahaa, runtii cida fulinaysa ee cid kasta oo halkan timaada la shaqaynaysaa waa shaqaalaha iyo madaxda waaxaha ee wasaaradda,”ayuu yidhi Maareeyaha TV-ga qaranku.
 
 
Khabiirkii shirkan hagay  Haarun Axmed Yuusuf, ayaa u mahad celiyay madaxda wasaaradda iyo shaqaalihii shirkan ka qeyb galay oo uu ku ammaanay sidii ay u soo bandhigeen baahiyahooda iyo waajiaadka ay qaranka u hayaan intaba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply