“Ma jiro dhul Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiintu Iibisay”’

0
357

Hargeysa (DAWAN)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh, ayaa beeniyey in ay iibiyeen dhul ka mid ah xayndaabka wasaaraddadooda, isagoo sheegay in aanay waajibaadka dawladda iyo qaranka ay u qaabilsanyihiin la xidhiidhin hawlaha dhulka.
Agaasime Faysal Cali Sheekh oo jawaab ka bixiyey war lagu baahiyey wargeyska Foore ee ka soo baxa Hargeysa cadadkiisii soo baxay Salaasadii bishan January 6-deedii, kaas oo lagu sheegay in Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu iibisay qayb ka mid ah dhulka wasaaradda, waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi.
“Waxaan halkan ka caddaynayaa in aannu jirin wax dhul ah oo aannu iibinay haddii aannu nahay wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta. Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiintu qaranka uguma xilsaarna arrimaha dhulka iyo iibkooda toona, mana hayno oo namay soo gaadhin wareegto Madaxweynuhu nagu amrayo in la iibiyo qayb ka mid ah xarunta Wasaaradda, sidaasi darteed, warkaasi waxaannu u aragnaa mid been abuur ah oo aanay wasaaraddu wax lug ah ku lahayn,” ayuu yidhi Md. Faysal Cali Sheekh oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa shalay, waxaannu intaa raaciyey, “Waa la qori karaa wixii jira, laakiin waxaannu qofku qabin ama geyin waa ayaan-darro in wargeysku iska mala’awaalo, annagoo joogna oo weliba weriyihii noo yimi la kulmay oo ku idhi wax aannu ka ognahay ma jirto arrintaa.”
Waxa kaloo Agaasimuhu xusay in aanay ahayn markii u horreysay ee wargeyskaasi warar aan jirin ka qoray Wasaaradda Boosta oo uu hore ugu sheegay inay fadhiid noqotay, balse waxa uu sheegay in muddo kooban oo ilaa sannad ah oo isaga iyo wasiirkuba hayeen xilka wasaaradda ay qabteen waxqabad muuqda.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wasaaradda waxaannu ugu nimi guri gaabban oo duug ah oo la dhisay 67 sanno ka hor oo baaba’ay oo qalab dhex oolin, maanta waxa wasaaraddu leedahay dhisme ballaadhan oo laba dabaq oo si casri ah u qalabaysan, shaqaalihii iyo nidaamkii shaqada oo dhan baanu dib u hagaajinay, dakhligii baanu kor-u-qaadnay. Waxaannu hadda gacanta ku haynaa qalabkii lagu maamuli lahaa hawada, kaas oo mustaqbalka wax badan ka beddeli doona hirarka telefoonnada iyo nidaamka cashuurahaba, waxaannu ku hawlanahay lambarka furaha caalamiga ah, waxaannu ka shaqaynaynaa sidii aannu u xoojin lahayn xidhiidhka ka dhexeeya shirkadaha isgaadhsiinta iyo boosaha, waxaannu gacanta ku haynaa sharcigii boosaha iyadoo hore loo ansixiyey sharcigii isgaadhsiinta.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply