Mareykanka oo Cambaareeyay Go'aan Israel Qaadatay

0
351

Mareykanka ayaa sheegay in uu kasoo horjeedo go’aanka ay Israa’iil ku xanibtay canshuuraadka ay u ururiso kuna wareejiso maamulka Falastiiniyiinta.
Israa’iil ayaa sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay codsi uu maamulka Falastiiniyiinta u gudbiyay maxkamada dembiyada caalamiga ah, si ay uga mid noqdaan.
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa Sabtidii sheegay in ay xanibeen lacag dhan 125 milyan oo dollar, taasoo ay canshuur ahaan ugu ururiyeen Falastiiniyiinta.
Afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibada ee Mareykanka, Jen Psaki, ayaa sheegtay in tallaabada Israa’iil ay sii kicisay xaalka.
 

Leave a Reply