“Mucaaridka Cay Laguma Raacayo, Waa Inay Cilmi Baadhis Ku Saleeyaan Dhaliishooda”

0
385

Hargeysa (DAWAN)- Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xisbiyadda mucaaridka ah ee dalka ugu baaqay inay cilmi baadhis xaqiiqo run ah ku saleeyaan mawduucyada ay  xukuumadda ku naqdiyayaan. Waxa kale oo uu u soo jeediyay inay u tudhaan dalkooda.
Xildhibaan Cartan oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN,  ayaa waxa uu sheegay in aanay  umadda ku kasban karin  xisbiyada mucaaradku hadalada cayda ahaa ay caadaysteen waxaanu  uu ku dhaliilay in aan dhexdooda ka jirin dimuqraadiyadi.
“Xisbiyada mucaaradka waxa laga sugaayaa in ay wax dhaliilaan, waanan ku soo dhawaynayaa xisbiyadda mucaaradka in kaalintooda mucaaradnimo ay wadaan, hase yeeshee mid ayaa jirta oo waxa loo baahan yahay xisbiyadda mucaaradku iyagoo dalkooda u tudhaya oo waxa laga yaabaa in bari ka maalin xukunka yimaadaan, dhibaatada jirtaana waxa weeye xisbiyada mucaaradku iyagoo wax cilmi baadhis ah samaynin ay iska caytamaan oo wax aan  jirin iyo wax jiraba way sheegayaan sidaasina maaha sida ay wax ku saxmaan,”ayuu yidhi Xildhibaan C/raxmaan Cartan.
 
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markaa waa inay cilmi baadhis sameeyaan oo miisaaniyada oo kale wixii ka khaldan si cilmiya u soo bandhigaan dhaliishaasi ka xukunka joogana way caawinaysaa oo wuxuu arkaayaa waxa la sheegayo laakiin, haddii qofku hadal guud iska yidhaahdo jahwareerin mooyaane wax macno ah  oo ay samaynaysaa ma jirto, laakiin waxa ka dhiman mucaaradka inay wax xaqiiqo ah soo bandhigaan xisbiyaduna waa qaranka ayay ka mid yihiin, waxaanan doonayna inay inoo dhismaan.”
Xildhibaan Cartan waxa uu ku dooday  in axsaabta mucaaridka ahi  aanay gudahooda ka dhex jirin wax dimuqraadiyad ahi “Xisbiyadda mucaaridka waxa dhici  karta in aan dimuqraadiyadi ka jirin oo aanay lahayn wada tashi, xisbiga noocaas ahi  bari marka uu yimaado xukunka muxuu la imanayaa?, cayda dawladana dadku ku raaci maayaan, markaa waxa loo baahan yahay in xisbiyaddu  barnaamij yeeshaan waa lagama maar-maan,”ayay yidhi Xildhibaanku.
 
Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan waxa uu uga digay xisbiga kulmiye inay ka fogaadaan inay ku hirdamaan loolan siyaasadeed oo aan wakhtigiisii la joogin, waxaanu yidhi  “Arrimo aan soo dhawayn ayaad moodaa  in laga dhawaajinayo oo ah murashaxnimo dadka xisbiga ka midi ee madaxda xisbiga waxay qirayaan dhammaantood in madaxweynaha hadda joogaa mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, murashax yahay oo ay taageerayaan dhammaantood murashaxnimadiisa  in la yidhaahdo Siilaanyo ka dib ayaan murashax ahay xilligeedii maaha khalad weeye taasi oo Wasiir yidhaahdo murashax ayaan ahay madaxweyne Siilaanyo ka dib.”
 
Xildhibaan Cartan waxa kale oo uu mudaneyaasha golaha wakiilada ku dhaliilay  samayn la’aanta xeerkii lagu soo dooran lahaa, waxaanu yidhi “Arrintaa xeerka lagu soo dooranayo mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, waa arrin uu ku dhaliilan yahay golaha Wakiiladdu , muddo sagaal sanadoodna waanu joognaa sanadkii sagaalaad ayaa noo socda. Jaanis weyna waanu haynay oo aanu arrintaas kaga hawl-galno, ma aanu  gelin hawshaas arrintaas dabada ku haysaana waxa weeye arrin la leeyahay meeshii dadkeedu tiro badan yahay in ay xildhibaanno, tiro badan hesho, meeshii dadkeedu tiro  yar yahayna xildhibaano gaar ah  hesho, taasina waxay u baahnaanaysaa tiro koob.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply