Wasiir Cadami Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo yeedhay Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay In kooxo Al-shabaab Ahi Soo galeen Xadka Somaliland

0
383

Hargeysa(Dawan):-Dawladda  Somaliland, ayaa   beenisay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Puntland oo sheegay in firxadka kooxda Al-shabaab oo ay ciidamadoodda ku dagaalameen buuralayda Gal-gala  shalay  ay u soo gudbeen dhinaca Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Gaas, oo shalay u waramay warbaahinta  ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagaallo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay buuralayda Gal-gala ku dhex-mareen kooxda Al-shabaab. Waxaanu tilmaamay in   dagaaladaasi ay ku jabiyeen kooxdaasi, isla markaana uu firxadkoodii u soo baxsaday dhinaca Somaliland.
Hase yeeshee  Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN ayaa arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay. Wasiir Cadami, ayaa sheegay in    hadalka Madaxweynaha Puntland uu yahay  mid la iska yidhi, isla markaana  ay u arkaan mid dhaawacaya   heshiisyadii ay hore u wada galeen  Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama  oo ay Puntland  qayb ka tahay maamuladda hoos yimaadda dawladda federaalka ee Soomaaliya.
 
Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka jawaabayay hadalka Cabdiweli Gaas, waxa uu yidhi “Qof kastaaba waxa uu doono wuu iska odhan karaa,  hadal-na wuu odhan karaa.  laakiin waxa  uu qofku yidhaahdo  waxa   la iska weydiinayaa maxaa ka run ah, markaa wax ka run ahina ma jirto,  firxad na soo galayna  ma jiro,  dalkayagana xuduuddiisa kamay soo gudbin wax is eryanayaa.”
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Annagu (Somaliland) waxaanu dhawraynaa qodobadii lagu wada heshiiyay laakiin  cidda jabinaysa iyaga ayay u taalla heshiiskana waxaanu wada galnay waa Soomaaliya,Puntland-na Soomaaliya ayay ka mid tahay wax kasta oo jabinaya heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya ay kala saxeexdeen cidda ku kacda ayuu gaar ku yahay.”
Dhinaca kale Wasiir Cadami, waxa uu sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan haddiiba ay dhacdo in kooxda ka  dagaalamaysa buuralayda Gal-gala ay ku soo xad-gudbaan Somaliland, waxaanu yidhi “Way caddahay waxa aanu ka yeelaynaa tallaabo  Qaran ayaanan ka qaadaynaa cid kasta oo ku soo xad gudubta xadka Somaliland, laakiin ciddii is-eryanaysa iyagaa is-og,   waxbana  kama jiraan sheegashada ina Gaas, balantu waxay ahayd in dacaayadaha la iska joojiyo laakiin ciddii sii wadda iyagay  u taallaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply