Bakistan oo Daldashay laba Qof

0
366

Dowladda Pakistan ayaa daldashay laba qof oo lagu helay dembi “argagixiso”.
Ghulam Shabbir iyo Axmed Cali ayaa labaduba la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda la mamnuucay ee Lashkar-e-Jhangvi.
Waxaa dilka lagu xukumay 2002-dii, xilligaas oo loo haystay eedo kala duwan.
Waxaa lagu daldalay magaalada koofurta ku taalla ee Multan shalay subax, maydadkooda ayaana lagu wareejiyay eheladooda.
Sagaal qof ayaa dalka Pakistan lagu daldalay tani iyo markii la qaaday xayiraadii saarneyd xukunnada dilka ah.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan ayaa arrintaasi ku dhawaaqay markii weerar lagu qaaday Iskuul lagu dilay in kabadan 140 qof oo ardey u badnaa, kaas oo ka dhacay magaalada Peshawar.
 

Leave a Reply