Dad ku Dhintay Qarax ka Dhacay Yaman

0
378

Gaadhi waxyaabo qarxa laga buuxiyay ayaa ku qarxay meel ku dhow machad lagu tababaro booliska oo ku yaalla caasimadda dalka Yamana ee Sanca.
Tobannaan qof ayaa qaraxa ku dhimatay, kuwa kalena way ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa dhacay xilli dad badan ay isugu tageen dhismaha hortiisa oo ciidan cusub lagu qorayay.
Jamil al Khaleedi oo goobta uu qaraxa ka dhacay ku sugnaa ayaa sheegay in Mooto seddax lug leh ama Bajaaj ay ku qaraxday bartamaha dad safaf ugu jiray in askarta lagu daro.
Wuxuuna tilmaamay qofkaasi goobjoogga ahaa in qiyaastii 40 illaa 50 qof ay ku dhinteen meesha uu qaraxa ka dhacay.
Weerarkani waa kii ugu dambeeyay oo ka mid ah qaraxyo is xigxigay oo dhowaanahan ka dhacayay dalka Yaman.
Badankooda waxaa lala eegtaa Xuutiyiinta Shiicada ah ee qeybo badan oo caasimadda ah la wareegay bishii September ee 2014kii, waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan koox xidhiidh la leh Al-qacidda.

Leave a Reply