Diyaaradda AirAsia oo Qaybteedii Danbe la Helay

0
360

Maamulka dalka Indonesia ayaa sheegay inay heleen qeybta dambe ee diyaaradda AirAsia ee ku burburtay badda Java todobo maalin ka hor.
Arrintan ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo qalabka codadka duubo ee diyaaradda ku xidhnaa.
Diyaaradda ayaa la waayay xilli ay u kala safreysay Indonesia iyo Sengapore, waxaana la socotay 162 qof.
Cimillada oo xun ayaa waxa ay horistaagtay soo helidda burburka kale ee diyaaradda.
Qeybta dambe ee diyaaradda ayaa laga helay meel ka baxsan goobta laga raadinayay.

Leave a Reply