Gacanta Madaw Ee Maafiyada

0
383

Maafiyada ka bilaabantay dalka Talyaaniga ayaa lahayd calaamad caan ah oo ay ugu hanjabi jireen dadka ay baada ka rabto. Caalamadaasi ayaa ahayd gacan madaw “Black Hand” waxayna ahayd  caado gabawday oo dhulkaasi ka jirtay wakhtiyo hore. Waxaana uu ahaa qofka loo dirayaa in marka hore loo aqoonsado inuu yahay qof qani ah ama uu soo galo dakhli sugan. Markaasi ka dib ayaa loo diri jiray warqada loogu hanjabayo in la dili doono, ama la afduubi doono, isaga ama dadka qaraabadiisa ah ama laga burburin doono ganacsigiisa ama shaqadiisa  haddii aanu bixin lacagta go’an ee ku qoran waraqadda gacanta madaw, iyadoo loo sheegi jiray halka uu dhigayo lacagtaasi ama qofka uu u dhiibayo.  Warqadan waxa ku sawirnaan jiray muuqaalo naxdin leh Mindi, Qalfoof madax dad iyo sawir gacan lagu sameeyay qalin madaw, sababtaasi ayay ahayd sida loogu bxiyay gacan madaw.

Leave a Reply