Maxaabiis Maamusha Jeelasha Ay Ku Xidhan Yihiin

0
340

Waxa aad u xumaatay Xaaladda Jeelasha dalka Mexsico ka dib markii jeelashaasi intooda badan ay xukunkiisa la wareegeen maxabiistii lagu xidhay, sidaasina waxa cadaysay  guddi loo saaray inay jeelshaasi soo badhaan.
Gudigan aya cadaysay in aanay xalaadda jeelasha badankooda aya booqdeen ahayn mid fiican. Gudida aya waraysatay maxaabiista jeelasha iyagoo 88%  ay ka cawdeen inay dhibaato badani ka haysato iyagoo meel kuwada xidhan koox daroogada ka shaqaysta iyo dad muwadiniin  ah oo denbiyadoodu fudud yihiin.  Gudida ayaa cadaysay in dilalku ka dhacaan jeelka dhexdiisa. Iyadoo mararka qaar aya is dilaan laba kooxood oo daroogada ka sheqeeya oo wada xidhan. Waxa kale oo ay maxabiistu ka cawdeen inay jeelsha ka jirto cunto la’aani. Taasi aya keentay  inay maxaabiistu marar badan la wareegaan mafaatiixda iyo qufulada jeelasha iyago askarta laftigoodu aanay ahimyad siin madaama ay yihiin koox mafiya ah oo daroogada ka ganacsada kana helaan lacago. Sawirkun wuxu muujinaya iyadoo jeel laga gurayo maydad iyo dhaawacyo ka dib markii ay is dileen laba kooxd oo Maafiay ahi.
 

Leave a Reply