Magaalada Labaad Ee Ugu Weyn Dalkaasi Ruushka Oo Gawaadhida Dagaalka Qaarkood Loo Isticmaalo Sida Tagsiga

0
446

Mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaasi Ruushka ayaa noqotay magaalo uu taxi u yahay  nooc kamid ah gawaadhida dagaalka ee loo yaqaano Beebee-gu,kaas oo loo raaco looguna shaqaysto sida gaadhiga Tagsiga oo kale.
Magaaladan ayaa lagu magcaabaa St Petersburg ,waxaana ku taala shirkad ah nooca dadka uga shaqaysa qaadida iyo geynta dadka meelahay u baahan yihiin ,taas oo isticmaasha gaadhigan nooca dagaal ah ee loo yaqaano Beebee-ga oo ah magaca ay Somalidu u taqaano.
Magaaladan ayaa ah mid loo tago dalxiiska,iyada oo uu caadi ka noqday gaadhigan raacitaan ahaan,waxaana hadda loo isticmaalaa sida gaadhiga Taxi-ga ah,gaar ahaana dadka dalxiiseyaasha ah ayaa noqday kuwo aad ula yaabay una isticmaala.
Sida lagu qoray lagana sheegay wakaalada uu dalkaasi Ruushku lee yahay ee lagu magcaabo Russia Today ,iyada oo lagu sheegay warbixinta laga diyaariyey in dawlada hoose ee magaaladaasi ay bixisay Liisanka wadida gaadhigan,iyada oo ay dadku caadi u kaxaysan karaan,inkasta oo aanay dadku wada haysan ,haddana way keensan karaan gaadhigan haddii ay u baahdaan.
Ugu horeyntiina waxa isticmaalka gaadhiga bilawda islaan ka mid ahaan jirtay ciidamada dalkaasi Ruushka oo gaadhigan la siiyey kadib markii ay ka fadhiisatay shaqadii ay u haysay dalkaasi Ruushka ,waxaanay iyadu ugu horeyn u isticmaashay sida Taxi-ga oo kale.
Gaadhigan ayaa baladh ahaan aan loo isticmaali Karin wadooyinka qaarkood ,gaar ahaana meelaha ay ku yaalaan wadooyinka taariikhiga ahi,waxaana lagu qiyaasaa gawaadhidan  ilaa 7900 kg  culays ahaan,iyada oo magaaladan San Petersburg ay tahay magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi marka laga yimaado magaalada Moscow oo ah magaalada ugu weyn dalkaasi ee caasimada ah.
Gaadhigan ayaa lagu raacaa waqtiga lagu jiro dalxiiska lacag dhan $89 dollar,taas oo ah mid ay aad u xiiseeyaan dadka raacayaa,waxaanay dadka kale ee gawaadhidaasi lehi ka faa’idaan lacago badan oo kasoo xerooda gaadhigaasi ama gawaadhidaasi.
 

Leave a Reply