Nin Lacaag Badan Ku Iibinaaya Kaluun Weyn

0
361

Kalluun weyn oo ah nooca loo yaqaano Tuna ayaa lagu iibiyey lacag dhan $5.4 million,taas oo u dhigmaysa lacagta japan marka loo eego lacag dhan 135906 AED,waxaanu iibkaasi ka dhacay xarun weyn oo suuqa ganacsiga dalkaasi Japan ah ,kaas oo lagu magcaabo Tsukiji,waxaanu ka badnaa kaluunkani intii hore sannadkii ina dhaafay loogu iibiyey.
Kalunkan ayaa waxa iibiyey shirkad laga lee yahay dalkaasi Japan,taas oo ka shaqaysa arrimaha kaluunka ama kaluumaysato ah,waxaana madax u ah shirkadaasi nin lagu magcaabo Kimura ,waxaana iibsaday markii dambe hudheel lagu magcaabo Sushi Zanmay oo ku yaala dalkaasi Japan.
Kaluunkan ayaa ah midka lagu magcaabo nooca lagu magcaabo Bluefin Tuna ,waxaanu culays ahaan gaadhaayey  180 kilograms,waxaanu taas macneheedu yahay in qayb kasta oo kaluunkaasi kamid ah le’egna  hal kilogram ay lacag ahaan noqonayso 25,000 oo u dhigan 700 EAD oo ah lacagta dalka Japan.
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaalada wararka ee dalkaasi Germany laguna tilmaamo DPA,waxaana lagu sheegay warkaasi lagu qoray wakaalada in kaluunkaasi laga soo qabtay xeebta lagu magcaabo Omagh oo kamid ah dhinaca waqooyi ee dalkaasi Japan ,gaar ahaana jasiiradda Honshu ,halkaas oo ah meesha ugu kaluunka wanaagsan dalasi .
Kaluunkan Tuna ayaa kamid ah kaluunada ugu qaalisan dalkaasi Japan iyo qaaradda Aasiya ,gaar ahaana Aasiyada barri ,taas oo aad looga isticmaalo,iyada oo habab kala duwan loo isticmaalayo.
 

Leave a Reply