Oday 70 Sanno Jiray Ah Oo Markii Ugu Horeysay Soo Bandhigay Qayb Kamid Ah Macdan Gacantiisa Ku Jirta

0
392

Oday da’ahaan jiray 70 sanno ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay qayb macdan ah oo ku jirta gacantiisa,taas oo ku jirtay muddo gaadhaysa ilaa 51 sanno,iyada oo noqonaysa markii ugu horeysay ee uu soo bandhigo ,iyada oo dadka aad layaab ugu noqotay.
Waxaana la ogaadey arrintan kadib markii uu gaadhi kula dhacay meel magaalada uu deganaa u dhow ,magaaladaasi oo kamid ah gobolka Illinois ee dalkaasi Maraykanka,waxaana loo qaaday dhakhtar halkaasi ku yaala si looga daweeyo dhaawacyada soo gaadhey.
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin lagu qoray mareegta lagu magcaabo UPI ,waxaana lagu magcaabaa odaygaasi  Arthur Lumbini ,isaga oo sheegay in gaadhi hore ula dhacay ,kadibna aanu dhakhtarkii daweyn nabaradii soo gaadhey,isaga oo tilmaamay in waqtigaasi uu jabkaasi macdanta ahaa galay gacantiisa,madaama oo la daweeyey nabarkaasi dushiisa.
Ninkan ayaa sheegay inuu isku deyey inuu dhakhtarkaasi maxkamad la galo ama saaro,iyada oo ay taasina keentay in la dhex dhexaadiyo,waxaanu u tegey dhakhtar kaas oo kula taliyey inuu qalin ku sameeyo gacanta kana soo saaro birtaasi macdanta ah,sidoo kalena waxa uu sheegay in birtaasi ay la samaysay falgal jidhkiisa,taas oo keentay inuu soo qaban waayo X-Ray-ga qalabka loo yaqaanaa.
Waxa uu sheegay in aanu hore uga dareemi jirin gacantiisa wax xanuun ah ,isaga oo sida caadiga ah ugu shaqayn jiray,laakin toddobaadyo ka hor uu ka dareemay xanuun,taas oo keentay inuu dhakhtarka dib ugu noqdo ,madaama oo dhakhtarkaasi siiyey talooyin hore.
Waxaanu dhakhtarkaasi soo jeediyey inuu qalin galo si looga soo saaro birtaasi gacanta ku jirta,iyada oo waqti yar kadibna lagu sameeyey qaliin ,waxaana laga soo saaray qayb bir ah ,taas oo ka go’day meel isteerinka agtiisa ah,waxaanu dhigtay meel si uu ugu haysto xusuus ahaan birtaasi laga soo saaray.
 

Leave a Reply