Qaxootiga Qaaradda Qabsaday

0
397

Qarniyo badan ayay doonyaha Yurub oo sida dad badan oo cadaan ah oo ka tahriibayay Qaaradda Gabowday ee Yurub qaadi jireen Xeebaha America. IYagoo si dhib leh kaga talaabi jiray bad weynta Atlantiga. Inta badan dadka cadaanka ah aaya ka cararayay  dagaalo , gaajo iyo dhibaatooyin kale oo ay qaaradda gabawday ku habsaday. Waxay rabeen inay heleen dhul ay ku negaadaan oo nabad ku helaan. Markii ay dadka cadaanka ahi ku soo bateen Maraykanka waxa buuxsamay magaalooyinka , waxa batay shaqo la’aanta, fakhriga aya isna cirka maray. Dadkan qaxootiga ku yimi aya gumaaday oo cidhib tiray dadkii asal ahaan halkaasi degenaa.

Wakhtiyadaasi  gaajada jirtay awgeed waxa la cuni jiray wax kasta oo ay ka mid yihiin hilibka dadka. Dadka cad ee Maraykanka ayaa ka dibna dhulkii ay haysteen maahee in ka badan oo kale ku darsaday iyago dadkii degaana kaga eryay dagaal iyo xoog, waxayna sidaasi u samaynayeen iyagoo u arkayay dhulka ay qabsanyaan inuu barwaaqo iyo nolol leeyaha kuna jiraan macadano kala duwan. Sanadkii 1846 – 1848 aya Maraykaynku qabsaday gobolada galbeed iyo  koonfurta  ee maanta ka tirsan dhul weynaha Maraykanka, waxaana laga qabsaday dalka Mexsico. Taasi ayaa ka dhigtay in Mesico dhulkeeda kala badh uu qaatay Maraykanku, halka ay Maraykanka ay ka tahay 1/3  dalka Maraykanka. Dagaalkan waxa Mexsico  weyday yihiin gobolada Texas, New Mexsico, Colarado, Arisona, Califorina, Nevada, oo dhamaantood manta ka tirsan Maraykanka. Kacdoonada Cunsuriyadda ee Yurub maanta ka socada ayay dadka qaarkood ku salaynayaan cabsi ay ka qabaan Qaxootiga ku soo badanaya inay kala wareegaan dhulkooda.

Leave a Reply