Sheeko: Intii aanan ku baran ayaan bad qabay!

0
388

Maanta waa tan oo inantii Ilsan waxa uu waagu ugu beryey doon-doonistiisa, docda, du’dada iyo dhammaan kambalka reerka intaba waa ay ka fiirisay, cabbaar markii ay ku daashey, ayaa ay ugu timid isaga oo ardaaga sidii qof madluunsan oo aad moodo in loo soo tebiyay war dhiilo xambaarsan kadalooba, dadku waxa ay u arkayeen millaygaa in uu maskaxda ka jiran yahay, waxa se uu la walbahaarsan yahay jacayl oo jaan iyo cidhib meel uu u jarmaado ayaa uu garan la’yahay. Cajab! Milicsi badan dabadeed ayaa ay Ilsan oo u qaadan la’a meeshan uu joogo Sugulle la hadashay oo waydiisay waxa ku dhacay. Sugulle oo aad moodo markaas in aanuu waa sani u beryin ayaa ay ugu darsantay naxdin ka dhalatay kulanka kediska ah ee qofkii uu waayo ku talamayay kana fikirayay , jawaab degdeg ah oo aanuu u kasin isla markaana aanuu hubin run ahaanteeda ayaa uu ku yidhi “Haa, maya walaal waxba ima helin”. Ilsan oo durbadiiba si dhaw u akhriday dareenka isku dhafan iyo xaalka murugsan ee sugulle ayaa ugu hal celisay “haye waxa aan kuu rajaynayaa maalin san”. Intaa markii ay ku tidhi ayaa ay jaanta ka rogtay oo ay ku fooftay dano markaas qabyo ka ahaa oo ay hiyiga ku haysay dhamaystirkooda.
Sugulle iyo Ilsan waxa ay ahaayeen barbaar deegaan wadaag ah oo aad isku fahmay, isla markaana soo wada taabtay nolosha labadeeda dacal ee dhibta iyo dheefta. Waxa ay inta badan ku wada haasaawi jireen erayo nuxur iyo nur-khayr ba leh, oo aanay ka madhnayn daacadnimo.
Reerka uu ka dhashay sugule waxa uu ahaa qoys dan yar ah, Ilsan se reerkoodu waa uu ka duwanaa xaalka reerka sugulle oo jeeb ahaan waa ay dhaameen, dhaqaale fiicana waa ay haysteen.
Dhawr sanno kadib, waxa ay la kulmeen dagaalo sokeeye, waxaanna ay reerihii ka qaxeen deegaankii ay ku wada noolaayeen, waxa ay u boqooleen dhankaa iyo tuulo ku taalay galbeed. Dhammaan dadku mid xoolo lahaa iyo mid aan waxba haysan waa ay ka sinaayeen qaxa iyo dhibaatadda qaxoontinimada, waxa ay wada geli jireen safaf dhaadheer, iyaga oo sita warqadahoodii qaxoontiga oo ay ku qaadan jireen waxogaa cunto ah si ay dharaaro u quutaan. Ilsan iyo Sugulle markan iskuma hayaan wakhti firaaqo ah oo la mid ah kii ay haysteen markii ay ku noolaayeen magaaladda, mid walba dushiisa waxa ka muuqata darayo, la yaab se ma laha oo duruufta ayaa sidaas baday, jacaylkii ay isku qabeen se waxa uu ku sii nagi yahay halkiisii waayo hore ayaa loo yidhi:
“Ma dawoobo caashaqu,
Iska daana kuma tago,
Dareenkaaga kama go’o……”
Wax waliba waxa ay u dhici jireen si ka gedisan sida ay doonayaan, walow samirku u ahaa udub dhexaadka jacaylkooda. Qaxoontinimada ka sokow waxa ay ka soo gudbeen dhibaatooyin aad u badan oo kaga imanayay xaga asxaabtooda gaar ahaan inanta oo ay saaxiibadeed kula talin jireen in ay iskaga hadho inankan aan waxba haysan, weliba ka dhashay qoyska dan yarta ah, maadaama oo ay iyadu ka dhalatay qoys hanti iyo raasamaal ba leh, guursatana wiil u qalma oo ay isku heer yihiin, sumcad iyo maamuus na ku dhex leh bulshada. Waxa ay ka daashay kaftan ay halhays ka dhigan jireen marka ay la kullmaan iyada oo ahaa:
“….Maxaa naga galay danyare,
Haddaanu duunyaba lahayn,
Miyuu dadka naga xigaa,
Dardaaran haduu ka rabo,
Jacayl doqonuu hayaa,
Candhuuftaada dib u liqoo,
Ku diidaye soco ku dhaha…..”
Ilsan oo ahayd sarriig, karti iyo dhabeelnimo Illaahay iskugu daray ayaa iyadu aan waxba kasoo qaadi jirin hadalada ay kula talinayaan asxaabteedu. Taasi oo markii dambe isku bedeshay cay iyo in ay ku tilmaamaan qof waalan oo la sixray. La yaab se may lahayn oo waxa ay u haysteen in jaceylka iyo saboolnimadu ay yihiin kuwo kala caaggan oo haba yaraatee aanuu wax xidhiidh ahi dhex mari Karin. Aflegaadada ay ku hayeen saaxiibadeed waxa ay markii dambe wada gaadhay deegaankii ay ku noolaayeen, iyada oo xitaa u gudubtay gurigoodii.
Si kasta oo uu xaalku ugu xumaado Ilsan, haddana waxa ka go’nayd in ay lasii socoto Sugulle. Waxa ay niyadda ugu dhisi jirtay in ay mar walba garabkiisa taagan tahay oo aanay ku nacayn dhegxumada lagu hayo, iyo in ay mar walba raali kaga tahay nolosha uu ku nool yahay, hore na ay ugu qanacsanayd in ay la wadaagto duruufta uu ku sugan yahay. Waxa kale oo ay xusuusin jirtay in ay aduunyaddu gelin ba cayn tahay, oo uu Illaahay qofka uu doono wax siin karo, ka uu doonana ka qaadi karo; “haynta iyo maalkuna hiddo dhaxal ah maahee hadhwareega weeyoo la helaa la waayaa” ayaa ay ku guubaabin jirtay. Waxa kale oo ay ku boorin jirtay in uu samir iyo dulqaad la yimaado, maankiisana ka saaro werwerka iyo fikirka ka dhex hugmaya. Ereyadaasi waxa ay ahaayeen qaar Sugulle ku abuuray hami iyo nolol cusub oo soo noolaysay naruuro uu in badan tebeyay qalbigiisu, waxa irmaanaatey rajadiisii gudhnayd, in uu mar uun guulle lagama waayee heli doono waxa uu rabo ayaa uu isugu niyad qaboojiyay.
Afar sanno oo ay ku jireen marxaladii qaxoontinimada kadib waxa ay ku soo guryo noqdeen Hargeysa iyo hoygii ay ku ababeen. Magaaladu imika gebi ahaanba waxa ay ka duwan tahay tii ay hore bilicda ugaga tageen, wax waliba waa ay is dhalan-rogeen, oo deegaankan cusubi waxa uu u muuqdaa mid aan haba yaraatee wax nolol ahi ka suurto gelayn. Dugaaga iyo duqeyntii madaafiicda ayaa magaalada u dhalan-gediyay carro kale oo ay adagtahay in uu garto qofkii ka tagay. Waase qoys kasta iyo halka uu kaga foofo raadcaynta nolol cusub iyo yagleelida qormooyinkii uu dagi lahaa.
Ilsan iyo Sugulle xidhiidhkooda hada waxa uu la kowsaday noloshii bilawga ahayd ee magaalada, Waxaana ay galeen iskuul. Muddo badan ayaa ay kuwada socdeen si fiican, waxa ay noqdeen sidii carrab iyo labadiisii daan. Waxa dhiig cusub ku shubay jacaylkii dhexdooda yaalay dhabar adaygii ay u muujisay Ilsan iyo talooyinkii ay siin jirtay isaga. Waxa niyadiisa kusoo noqnoqon jirtay hees uu ku luuqeeyo fanaanka Lafoole, taas oo tidhaa:
“…..Nuurkii indhaha iyo
Nafta raaxadeedaay
Taan nasiibka ku hamiyay
Calaf in ay u noqotaay
Ku nagaatay labtoo
Nudayaasha beerkiyo

Wadnahaad ku nabantee
Naruuradii jacayl kee
Sharka laga nasahayeey
Sidii nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan
Ilsan kuugu nugulahay
Niyadeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay…..”

 
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-cadde

Leave a Reply