Wiilkoodii Ayay Iibiyeen Si Lacagta Kasoo Baxda Loogu Daweeyo Walaalihii

0
378

Qoys u dhashay dalkaasi Chine ayay dantu ku khasabta inay iibiyaan ilme yar oo ay dhaleen,iyada oo sababtuna tahay sidii ay ugu heli lahaayeen lacag dawo oo ay ku daweeyaan laba hablood oo ay wiilkaasi walaalo yihiin,taas ayaana keentay inay ilmahaasi suuqa geeyaan kadibna iibiyaan ama u diyaariyaan inay iibiyaan.
Tan ayay dadku u arkaan in aanu ahayn xal sax ah ,laakin ilmahan yar ayaa ah mid lagu badbaadinaayo nafo loo waayey wixii lagu daweyn lahaa iyada oo uu waalidkii dhalay awood u waayey inuu daweeyo ,taasina ay keentay inay suuqa u iibgeeyaan si uu daweyn u helaan walaalihii looguna daweeyo lacagta laga bixiyo ilmahaasi.
Sheekadan ayaa ka dhacday barriga dalkaasi Chine ,iyada oo ay inankan yar suuqa geeyeen ,iyaga oo doonaayey in lacagta kasoo baxda inay ku daweeyaan hablo ay walaalo yihiin,iyada oo labadaasi hablood ay yihiin kuwo mataano ah ,waxaanay la ildaran yihiin xanuun lagu magcaabo Leukemia.
Hooyada dhashay caruurtan yar yar iyo wiilkan la iibinaayo oo lagu magcaabo Ming Xiang Yan da’deeduna tahay  29 sanno jir iyo odaygeeda ayaa dedaal ugu jira sidii ay u badbaadin lahaayeen labada hablood ee ay dhaleen ,iyaga oo lacagta ay ku badbaadinayaana doonaaya inay ka sameeyaan wiilkan yar ee la dhashay hablaha oo la doonaayo in lagu iibiyo lacag badan ,si loogu daweeyo hablahaasi oo maalin ba maalinta ka dambaysa geerida usii dhowaanaaya ,sidaasna waxa lagu sheegay wargeyska lagu magcaabo Daily British Miles.
Inta badan dadka noloshoodu hoosayso ayaa ah kuwo aan awoodin inay caruurtooda iyo dadka kale ee dabaqadaasi ku jiraaba inay dawooyin iyo waxyaalaha daruuriga ah helaan dalkaasi Chine,iyada oo ay waxyaalo kala duwan sameeyaan sidii ay adeegyadaasi u heli lahaayeen darteed.
 

Leave a Reply