Caaqil Cusub Oo Lagu Caleemo-saaray Hargeysa

0
412

Hargeysa (DAWAN)- Xaflad lagu caleemo saarayay caaqil cusub oo  la yidhaahdo  Cabdilaahi  Axmed Mataan Aw Xasan,oo ay doorteen  beesha Ugaadh Yoonis ee Beelaha Ciidagalle, ayaa xalay lagu qabtay Huteelka dalxiis ee Magaaladda Hargeysa.
 
Xafladan Balaadhan ee Caleemo saarka Caaqilka  Cusub waxa ka soo qeyb galay madax-dhaqameed kala duwan iyo marti sharaf kale.
 
Suldaan Axmed Cadde Gudde oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan halkan ku soo dhaweynaynaa Caaqilka cusub ee aynu madashan ku caleemo saareyno  Caaqil Cabdilaahi, waxaan leeyahay waa nin firfircoon oo hawl kar ah, waxaanan ku dardaarayaa in uu ogaado Diinta iyo hogaaminta suuban, annaguna sidaasi uu yahay ayaanu ku qaadanay ,waxaanan is leeyahay waa nin lala  shaqeeyo oo la garab istaago oo wax lala qabto, waanan u duceynaynaynaa ee hoggaankii lagu badhaadho ALLE ha kaa dhigo, reerkan doortay caaqil Cabdilaahina waa reeraha ugu taariikhda wanaagsan marka dhinac kasta laga eego, salaadiinta inta halkan aan iminka  imani aniga ayay I soo wakiisheen, waanay ka cudur daarteen.”
 
 
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Marka hore waxaan leeyahay waanu soo dhaweynaynaa Caaqilka  cusub,  waxaanan leeyahay ILAAHAY Hawhsa ha kuu fududeeyo.”
 
 
Boqor Raabi  Yuusuf Cabdilaahi  waxa uu intaasi ku daray “Waxaan ku soo gabo gabeynayaa dawladda waanu taageersanahay oo waanu soo dhaweynaynaa ee annagana baahidayada ha tixgeliso oo hoos ha u  eegto.”
 
Suldaan Cali Baane oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi  “Horta waxaan marka hore soo dhaweynayaa Caaqilka Cusub ee Caawa (xalay)  Caleemo saarkiisa waynu soo dhawaynaynaa oo si fiican aynu u soo dhaweyno dhamaanteen, waxaan kale oo halkan ka sheegayaa waar barwaaqo ayeynu ku jirnaaiyo nabadgelyo.”
 
 
Suldaan Baane waxa uu u soo jeediyay caaqilka cusub iyo guud ahaan beesha dooratay inay mideeyaan magagaha siday beeshu u bixiso.
 
 
Chief Caaqil Cali Warsame oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “Caaqil adiga ayaa maanta xafladan lagugu caleemo saaray waanu ku ducaynaynaa ALLE ha ku la qabto in oo xilka hakuu fududeeyo umadaddana waa in aad cadaalad u sameyso oo cid kasta waad la kulmi doontaa ee aad dulqaadkeeda yeelato, annaguna ka beel ahaan waanu qaadanay oo waanu kugu barbar taaganahay wixii kasta ee hawsha caaqilkaasi la xidhiidho waanu kugu taageerayna”
 
Caaqilka Cusub  Beesha Ugaadh Yoonis ay xalay Caleemo saareen Caaqil Cabdilaahi  Axmed Mataan Aw Xasan oo ugu dambeyntii ka hadlay Munaasibadaas ayaa si weyn uga mahadceliyey Beeshiisa Caaqilnimadda u dooratay iyo marti sharaftii kale oo munaasibadaasi ka soo qeybgashay, waxaanu balan qaaday in uu dadkiisa doortay daacad u noqon doono sida ay xaqoodu yahayna uu raaci doono.
Waxa kale oo uu caaqilka cusubi sheegay inuu si joogto ah ula tashan doono waxgaradka beesha iyo beelaha ay ood-wadaagta yihiin-ba, wax walbana uu u raaci doono sida shareecada islaamku dhigayso.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Aadan Mataan Xasan oo ah Guddoomiyaha dhalinyarrada Ururka HORSEED, waxaanu sheegay inay soo dhaweynayaan  caaqilka cusub oo ay la shaqayn doonaan, maadaama oo uu yahay nin dhalinyarro ah.
 
Suldaan Cawil  Axmed Warsame,Suldaan Aadan Xasan, Caaqil Maxamed Xirsi Faarax, Guddoomiyaha Guddida Beesha Danwadaago Axmed Tarabi Xasan, Oday Cismaan Yuusuf, iyo xubno kale oo Madax dhaqameed kala duwan ayaa halkaasi talooyin ,waano iyo duco ah halkaasi uga jeediyey Caaqilka Cusub  Beesha Ugaadh Yoonis ee (Beel Weynta Ceedagale) xalay Caleemo saareen Caaqil Cabdilaahi  Axmed Mataan Aw Xasan, kaasi oo ay ALLE-na uga baryeen in uu Xilka loo dhiibay u fududeeyo isagana loo baahan yahay in uu daacadnimo iyo hawl karnimo ugu adeego bulshaddii dooratay.
Dawannews Hargeysa office
 
 

Leave a Reply