Maraykanka: Si u Nolol Fiican U helo Wuxu Dilay Inantiisa Yar

0
387

Booliiska Maraykanka ayaa shaaciyay in Maraykan ahi dilay gabadh yar oo uu dhalay oo 5 jir ahayd. Aabahan cadawga ah ayaa gabadhiisa yar ka tuuray biriishka gacanka Tampa ee magaalada Sanbarisberig.  Inanta yar ayaa markiiba dhimatay , iyadoo goobta uu ka tuuray aad u saraysay ayna ahayd 19 mtr.  Aabaha aan naxariista lahayn oo da’diisu ahayd 25 jir ayaa booliisku soo xidheen ka dib markii ay cadaatay in Ilmaha si ula kac loo dilay. Waxaana boolisku heleen Aabaha oo duubay gabadhiisa oohinteedii markii uu ku tuurayay biyaha Gacankaasi.
Ninkan aya booliiska ugu jawaabay inuu sidaasi u yeelay amar uu ka helay wax uu ku sheegay inuu caabudo. Waxaana uu ii sheegay ayuu inaan nolol fiican heli doono hadduu inantiisa yar dilo kana tuuro gacankaasi. Dhaqanka iyo ficilada dadka aan diinta lahayn ayaa ah kuwo ka xun ficilada ay sameeyaan xayawaanka waxshiga ee aan caqliga lahayni.

Leave a Reply