Baanka Dhexe Oo Ku Hawlan Kor U Qaadista Qiimaha Shilinka Somaliland

0
364

Hargeysa(Dawan):- Baanka Somaliland,ayaa ku hawlan sidii uu hoos ugu dhigi lahaa  qiimaha sarifka lacagaha qalaad oo muddooinkii dambe kor u socday isla markaana uu kor ugu qaadi lahaa shilinka Somaliland waxaana u qorshaysan Baanka Somaliland in a dagaal cad la galaan sarif bararka   lacaga qalaad oo a horeba ugu hawlanaayeen,waxaa kale oo uu Baanka Somaliland Farriin cad u diray ganacsatada Somaliland oo uu ku adkeeyay in ay wax ku iibiyaan shilinka Somaliland o ah lacagta kaliya ee Qaranku leeyahay ee sharciga ah isla markaana aanay muhiimadda koobaad aanay siinin lacagaha qalaad.
Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi  oo waraysi gaar ah khadka tilifoonka  xalay ku siiyay wargeyska Dawan waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay sii wadayaan wax ka qabashada  iyo la dagaalanka sixir bararka iyo qiime kaca sarifka lacagaha qalaad iyadoo muhiimada koobaadna ay tahay in   kor loo qaado qiimaha shilinka Somaliland oo  lacagta dalku ay noqoto mida  kaliya ee  wax lagu kala iibsado.
“Waxaanu ku gudo jirnaa dagaalkii aanu horeba ugula jirnay la dagaalanka sixir bararka sarif bararka  waanan wadaynaa dagaalka  illaa aanu kor u soo qaadayno qiimaha shilinka Somaliland oo ah lacagta  kaliya ee sharci ah ee qaranku leeyahay dhamaan  dalka oo dhana ay waajib tahay in wax lagu  kala iibsado.”
Ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi waxaa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay sababta keentay in muddooyinkan dame uu kacsanaado sarifka lacagaha qalaad.   .
“Waxaa jirta in lacagtii adhiga ee Arafadu ay u badnayn mid iyadoo Dolar ah ina  dhaaftay  oo badankeedu u xarootay deegaamada afka Soomaaliga lagaga hadlo oo xoolo badan dalkeena ka dhoofsaday,laakiin Baanka Somaliland inta uu sarifka lacagaha qalaad hoos u dhigayo kama caajisayo waanu wadayaa  dagaalka illaa  uu qiimaha shilinka Somaliland noqonayo ka ugu sarreeya sababtoo ah dalku wuxuu leeyahay lacag qaran oo u gaar.”
Guddoomiyaha oo aanu weydiinay  halka shilinka Somaliland hoos u dhaca ugu wacani in ay tahay gabacsatada oo aan inta badan waxba ku qiimasan shilinka Somaliland kuna iibin waxa uga qorshaysan,ayaa ku jawaabay.
“Horta dalku lacag ayuu leeyahay lacagtiisuna waa shilinka Somaliland  waxaana waajibku yahay in aynu wada qiimayno oo aynu ilaashano lacagteenna,waxaanan mar labaad ku celinayaa dalka lacagta kaliya ee sharciga ah ee  dalku leeyahay  waa shilinka Somaliland dhamaan lacagaha kale ee qalaadna waa lacago ajaanib inagu ah laakiin  a ogol yahay oo aan kootarabaan ahayn muhiimaduse waxay tahay in la qiimeeyo shilinka Somaliland ganacsatadana waxaan farayaa in ay dadka wax kaga iibiyaan shilinka Somaliland oo ay ka daayaan lacagaha qalaad ee ay qiimaynayaan cid kasta oo  oo wax iibinaysana waxaa ku waajib ah in ay qiimayso oo ay wax ku iibiso shilinka Somaliland.”
Ugu dambayn Guddoomiyaha Baanka Somaliland waxaa uu tilmaamay in ay ciqaab ku mudanayaan gabacsatadu haddii ay u hoggaansami waayan in ay mudnaanta koobaad siiyaan Lacagta Somaliland.
“Cid kasta   oo mudnaanta koobaad siin wayda lacagta Qaranka waxna ku iibin wayda ha ogaato in ay la kulmi doonto ciqaabteeda sababtoo ah  waxaay qaranimadu tahay qiimaynta iyo horumarinta qaranimada Somaliland tallaabooyinka horumarin kara Qaranna waxaa ka mid ah ilaashiga iyo kor u qaadista lacagtiisa ugu dambayn waxaan leeyahay ganacsatada ka soo baxa dahnkiina xilka qaranka idinka saran oo qiimeeya lacagta dalka.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply