“Wargeyska HUBAAL Waxa Soo Eedeeyay Booliska, Xayiraada Laga Qaadayna Waa Wax Lala Yaabo” Xeer-ilaaliyaha guud

0
371

Hargeysa (Dawan) –  Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Maxakamadda Gobolka Maroodijeex  ku fasaxday Wargeyska HUBAAL, isla-markaana ay ku laashay Dacwadii loo haystay, waxaanu ku dooday in aanay ogayn Qaraarkaasi Xeer ilaalintu
Xasan Axmed Aadan oo shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay in Qaraarka xayiraada lagaga qaaday Wargeyska HUBAAL aanay la socon Xeer-ilaaintu. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“ Wargeyska HUBAAL waxa soo eedeeyey Booliska Maxkamadda ayuu in badan ku jiray Kiiskiisu, Dacwadan markii hore waxa gacanta ku haysay Maxkamada Gobolka Xafiisk Xeer-ilaalintana Nin Xeer ilaaliye ah ayaa Dacwadan oogayay, marka la doonayo in Dacwadda la oogo dhinacyada Boolisku way isa soo diyaariyaan Xeer-ilaalintana waa loo yeedhaa, markaas Xeer-ilaalintu goob-joog  kamay ahayn meeshaas HUBAAL Lagu Siidaayay.”
 
 
Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka waxa uu intaas ku daray “Arrintan xayiraadda lagaga qaaday Wargaysku waa wax lala yaabo oo is waydiin mudan waana arrin Tuugo ah, Garsooruhuna waxa ay ahayd inuu Dacwadda qaado iyada oo loo dhan yahay ka dibna Go’aanka sheego haddii uu siidayay iyo haddii kaleba ileen isaga ayaa u madaxbanaane. Anagu Anbiil waanu ka qaadan karnaa haddaanu saluugno sida wax loo xukumay, laakiin Go’aan qayb ah ayay soo saartay Maxkamadda Dagmaddu.”
 
Go’aan ka soo baxay Maxakamadda Gobolka Maroodjeex ayaa Lagu fasaxay Wargeyska HUBAAL oo mudo sanad iyo badh ku siman xayirnaa, waxaana go’aankaasi lagu sheegay in Wargeyska dacwadiisa la tirtiray,kaas oo Wargeysku Isniintii todobaadkan ka soo baxay Hargeysa, hase ahatee go’aan ka soo baxay Maxkamadda Racfaanka ayaa lagu sheegay in Wargeyska HUBAAL weli uu xayiran-yahay.
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply