Calaamadaha Qiyaamaha Qaar Ka mid ah

0
566

Cabdillaahi Ibnu Cabbaas (RC) Wuxuu yidhi:
Nebi Muxammed (scw) markii uu dhamaystay Xajkii ugu dambeeyey oo ahayd sannaddii 10aad ee Hijriyada ayuu istaagey albaabka Kacbada barakeysan isagoo haya Furaha, Isla markaana wuxuu Asxaabtii ku yidhi:
Ma idiin sheegaa astaamaha maalinta qiyaamaha lagu garto?
Salmaan Faarisi (rc) oo taagnaa meel u dhow nebiga (scw)ayaa yidhi:- Haa  Yaa Rasuululaahii (scw)
Dadku waxay u hoggaansami doonaan hawadooda ama waxa ay naftoodu jeceshahay.
Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, Waxayna aad u xushmayn doonaan dadka maalqabeenka ah.
Dadku Salaadda way dhayalsan ama way fududaystaan.
Raggu waxay isu ekeysiin doonaan dumarka, haweenkuna waxay isu ekeysiin doonaan raga
Qofku wuxu kibir kula dhaqmayaa waalidka, Waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibbadii.
Minaaradaha masaajiddu waxay noqon doonaan kuwo aad u dhaadheer, Safafka dadka salaadda ku jiraana waxay noqon doonaan kuwo badan, Laakiin dadkaasi quluubtoodu iskuma fiicna, Hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.
. تفسير القمي، ص.303-
 

Leave a Reply