Dheecaanka Myelin Oo Ku Yaraada Dadka Markay 40 Gaadhaan

0
375

Sida lagu soo bandhigay bogga NBC, Aqoonyahano cilmiga noolaha takhasus u leh (Biology)  ayaa cadeeyay in qofka aadamiga ahi marka ay ugu sarayso awoodiisa, iyo kartidiisa maskaxeed, ay tahay marka uu gaadho da’da 40 sano. Warbxintan cilmiga ah aya cadaysay in marka uu qofku dhaafo da’adaasi uu jidhkiisu hoos u dhac. Warbixinta aya intaasi ku dartay in tani ay sabab u tahay dheecaanada Myelin oo bilaabaya inay hoos u dhacdo. Si kasta oo uu qofku isugu dayo inuu joojiyana aanay suurtagal ahayn xataa haddii uu ciyaaro jimcsiyada kala duwan ama isticmaalo cuntooyin nafaqo leh oo kala duwan.
Dr.George Bartzokis oo ka tirsan Jaamacadda California ayaa isna cadeeyay in ciyaartowga caalmiga ah ay ku adag tahay inuu sii wado ciyaarta ka dib marka u dhaafo 40 sano iyadoo ay taasi sabab u tahay hoos dhaca jidhka iyo maskaxda ee ku yimi.
Quraanka Kariimka ayaa cadeeyay in qofku marka u gaadho 40 sano uu dhamaystirmay.

Leave a Reply