Kameroon oo Laysay Bokoo Xaraam badan

0
419

Dowladda Kameroon ayaa sheegtay in ay dileen 143 dagaalyahan oo ka tirsan Boko Xaraam kuwaas oo weeraray mid ka mid ah xarumaha dowladda ee ku yaala waqooyiga dalkaasi.
Wasiirka isgaarsiinta ee dalkaasi Issa Tchiroma Bakary, ayaa sheegay in uu weerarkaasi uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Boko Xaraam loogu geysto gudaha dalkaasi.
Waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu ciidammada dowladda uga dhintay hal askari.
Milatariga kameroon ayaa sheegay isniintii in ay iska caabiyeen weerar ay dagaalyahanada Boko Xaraam ku qaadeen xarun ku taalla magaalada Kolofata oo u dhow xuduuda uu dalkaasi la wadaago Nigeria.
 

Leave a Reply