“Madax-dhaqameed Boorame Lagu Xidhay Ma Jiro, Nabad-gelyadda Awdal-na…” Wasiir Waran-cadde

0
387

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in aanay jirin Dad ay ka mid yihiin Madaxdhaqameed oo Ciidamada Amaanku Isniintii todobaadkan ay ku xidheen deegaanka Qun-jeed ee Gobolka Awdal.
 
Wasiir Waran-cadde oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Dawlada hoose iyo Ciidamadda Nabad-gelyada Wadooyinku ay wadaan hir-gelinta nidaam cusub oo loo samaynayo Wadooyinka Caasimadda Hargeysa, taas oo uu sheegay in lagu xakamayno saxmada Gaadiidka.
 
Wasiirku waxa uu sheegay inaanay jirin cid madax-dhaqameed ah oo lagu xidhay  Boorame, waxaanu yidhi  “Arrinta Odayaashan waxba kama jiraan ee yaan dheg loo dhigin,  manaan maqlin.  Gobolka Awdal hore ayaanu u tagnay waanad ogtihiin hadda Gobolku Nabad-buu ku sugan yahay , aniga oo aad ugu mahad-celinaya Madax-dhaqameedka, Madaxda iyo Shacabkaba wax dhibaato ah oo ka dhacay ma jiraan, arrintaasna Somaliland siday weligeedba u xalin jirtay arrimaheedda ee wanaaga ahayd-bay u xalinaysaa.”
 
Wasiirku waxa uu sheegay in la hir-gelin doono nidaam cusub oo loo samaynayo Waddooyinka Caasimada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaanu u xil-saarnay Dawladda hoose iyo Ciidamada Nabad-gelyadda Wadooyinka, markaa illaa beri ayaa la kala wareejinayaa, waxaanay hadda dhamaystirayaan meelaha ay waddooyinku iska soo galaan iyo meelaha kale. Waxaanan filayaa inay fudaydin-doonto saxmada badan ee ka jirta Wadooyinka Magaaladda Hargeysa marka ay dhinac u wada socdaan Baabuurtu ee ay labada Waddo ay kala maraan iyo Wadooyin kale oo hadda loo qorsheeyay inay kala maraan, markaa waxaan filayaa inay wax weyn ka qaban-doonto isku socdka Magaaladda iyo Gadiidka.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply