Shir Lagu Gorfaynayo Xeer Lagu Dhaqayo Shaqaalaha Dawladaha Hoose Oo ka Furmay Hargeysa

0
376

Hargeysa (Dawan) Kulan-hawleed socon-doona muddo laba maalmood ah oo lagu gorfaynayay dhamaystirka Xeer-nidaamiyaha lagu dhaqayo Shaqaalaha Dawladaha hoose ee Somaliland ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kaas oo qayb ka ah Mashruuca maamul daadejinta Dalka, waxaana ka qayb-qaadanayay Xubno ka mid ah Maayarrada Magaalooyinka, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha deegaanka iyo Xoghayayaasha fulinta Dawladaha hoose.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa  faah-faahin ka bixiyay ujeedada kulankan lagu darsayay Xeer-nimaadmiyaha ay ku hawl-geli doonaan Shaqaalaha Dawladaha hoose, waxaanu yidhi “Waxaynu halkan ka bilaabaynaa kulan hawleed socon-doona muddo laba maalmood ah oo aynu kaga hadlayno dhamaystirka Xeerka lagu maamulayo Shaqaalaha Dawladdaha hoose oo Sanadkii hore dhan soo wadnay oo aynu tallo-bixin badan ka jeedinay, Goleyaasha deegaankana dib ugu celinay oo ah qaabka xuuqdda Shaqaalaha loo ilaalinayo, haddii shaqo la qorayo iyo haddii la dhimayaba Xeerka loo maro baynu doonaynay. Sidda aynu isla qaadanay Sanadkii 2014-kii.”
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  (SOLTELCO) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xeerkani uu muhiimad u leeyahay Goleyaasha deegaanka dalka, waxaanu yidhi “Anagu Gole deegaan ahaan hore ayaanu uga qayb-galnay oo haddii aanu Qofka bini’aadamka ahi lahayn wax uu ku xisaabtamo isna lagula xisaabtamo, waxay ka bilaabmaysaa in dadka Magaaladda degani Cadaalad u helaan in Qofku helo Shaqaddii uu ku haboonaa, Dawladda hoose-na ay hesho cidii ay u baahnayd ee shaqadaasi qaban-lahayd.” Ayuu yidhi Maayarka Caasimada Hargeysa.
 
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka socday Golaha deegaanka Degmada Burco ayaa sheegay inay waajib tahay in Shaqaalaha Dawladaha hoose helaan Shuruuc ay ku hawl-galaan, waxaanu yidhi “Aad-baanu ugu faraxsanahay in maanta la helo Xeerkii Shaqaalaha oo muddo badan soo socday, annagu haddii aanu nahay Golaha deegaanka Burco hore ayaanu Wasaaradda Arrimaha guddaha kala shaqaynaynay, waana Xeer aad u mihiim ah. Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha guddahana Nasiibay u heleen inay suurto-geliyaan Xeerkan.”
Xubno ka mid ah Maayarrada Magaalooyinka iyo Xoghayayaasha fulinta Dawladdaha hoose ee Degmooyinka Dalka ayaa sheegay in Xeerkani uu muhiimad u leeyahay hawlaha Shaqo ee Dawladdaha hoose u hayaan Bulshada.
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply