Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Wejigii Koowaad Ee Dhismaha Dawgacad

0
404

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xadhiga ka jaray wejigii  koowaad ee dhismaha jidka Dawgacad ee waqooyiga Hargeysa oo dhan 4KM  iyo labo boqol oo mitir.
Munaasibada     lagu qabtay goobta uu ka bilaabmay wejiga koowaad ee dhismaha jidka Dawgacad ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha,  Wasiirka   Arrimaha Dibadda, wasiirka madaxtooyadda, wasiirka maaliyadda, taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidanka booliska, salaadiin iyo gudidda dhismaha Dawgacad.
Madaxweyne Siilaanyo oo  hadal ka jeediyay  waxa uu sheegay in wadadaasi ay tahay mid   qiimo weyn u leh, waxaana uu tilmaamay in ay ka xukuumad ka qayb qaadan doonaan dhismaheeda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Wadadan Dawgacad waa waddo qiimo weyn u leh in dalka la isku xidho oo aanu waddooyinka dhisno oo dadku meel walba isgaadho oo dadku noqdaan dadku isku socon kara, oo dadka iyo ganacsiga oo isku socon kara waa mid aad iyo aad u muhiima wadadaasi muhiimad weyn ayay leedahay, qiimaha ay leedahayna waanu siinay waana ka qayb galaynaa Illaahayna waxaan ka rajaynayaa  in inooga dhigo taa iyo kuwii ka danbeeyaba inay noqdaan kuwii dalka iyo dadka isku xidha oo horumariya, gudida ka shaqaysayna aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa anaguna wxa aanu balanqaadaynaa in qayb  libaax  ka gaysano oo gacan wayn ka gaysano oo wixii waajiba ee naga saran in si buuxda u gudano ayaan rajaynayaa.”
 
 
Wasiirka   madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in xukuumadu ka qayb qaadan doonto dhismaha wadada Cad. Isagoo tilmaamay in ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan dhismaha wadooyinka ee dalka ka socda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mar labaad farxad ayay ii tahay in gudidu halkan ka sheegto gacantii dawlada ee aanu ka gaysanay ee ay ka dalbadeen madaxweynaha diyaarna waa loo yahay waddooyinka dalka ka socda guud ahaan waanay  badan yihiin muhiimadoodu waa kala duwan tahay iyadoo dhaqaalaheena iyo awoodeenu yar yahay  oo ay kooban tahay hadana dadaalkeena iyo isku tageena ay muhiim tahay in aynu la nimaadno hankii iyo himiladii aynu wax ku qabsan lahayn  wadadan lacagta badan  ee ku baxay boqol km mitir  wax ka badan ayaa ina sugaya dawlad iyo shiciba.”
 
“Waxaa  laga yaabaa dadka qaarkii in uu qaato himilo dhaw oo wax degdega qaato, qofka degdeg waa uu qaataana degdeg ayuu u daalaa, waxaan leeyahay waa wado dheer oo tacab badan u baahan, aan isku diyaarino gudo iyo dibadba in aynu ka qayb qaadano, yaan la qolaynin, ayaan la cuqdadaynin, waxaan leeyahay gudida ha la isbarbartaago deegaanku dhamaantood ha loo kaco, dawladuna sidaa aan sheegay diyaar ayay u tahay in ay ka qayb qaadato, horena waa  uga qayb qaadanay diyaarna waan u nahay, waxaana Illaahay mahadiiya intii meelahaa oo odhan jirtay dawladu waxba kuma tarin, haddii kuwii gacanta ku hayay yidhaahdeen dawladu horena wax noogu tartay maantana ka doonayaan oo ay diyaar u yihiin,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirrada arrimaha gudaha, waxbarashada, maaliyada, arrimaha dibada iyo salaadiin iyo Guddiga dhismaha jidkaasi waxaanay dhammaantood ka warameen ahmiyada jidkani u leeyahay dalka.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply