Xildhibaanada Burkina Faso oo Dhimaya Mushaharkooda

0
375

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah xildhibaanada ka tirsan gollaha qaran ee ku meel gaadhka mushahaarka ay qaataan ayaa waxa uu isugu jiraa mushaar guud, lacaga gunno ah oo ay qaataan marka ay kulmaan ama ay ka qeyb qaataan fadhiyadda barlamaanka, gunno ay ku qaataan shaqooyinka ay ka qabtaan xafiisyadooda, guuno dhinaca caafimaadka iyo gunooyin dhinaca shidaalka ah.
Balse sida uu qabo Herve Kim oo ah agaasimaha dhaqdhaqaaqa Bilai Citoyen- oo ah dhaqaqaaq siyaasadeed ma ah in xildhibaanada la siiyo gunooyinka kal fadhiyadda ay ku qaataan. Waxa uu walaac ka muujiyey farqiqa weyn ee u dhaxeeya mushahaarka ay qaataan xildhibaanada iyo kan ay qaataan shaqaalaha caadiga ah.
Waxa uu aaminsanyahay 720 ama 900 oo doolar in ay ku filnaanan lahayd xildhibaanada.
Tan iyo bishii Octobar ee sanadkii tagay, markii madaxweynihii hore Blaise Compaore xilka laga tuuray, waxa gollaha barlamaanka badalay golle qaran oo ku meel gaadh ah oo ka kooban 90 xubnood.
Mid ka mid ah xildhibaanada aya waxa uu sheegay in uu door bidayo mushahaarka yar sababtoo ah waxa uu  leeyahay waxay arrintaasi horumarinaysaa dowlad wanaaga iyo waxay sidoo kale dib u soo celinaysaa kalsoonada lagu qabo demoqaraadiyada.
Markii ay arrintan soo shaac baxday, shacabka ayaa cadho ka muujiyey waxayna cadhadooda ku soo bandhigeen baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho iyagoo talabaadasi ku tilmaamay mid xaq daro ah kuna baaqay in la soo afjaro ku tagri falida awooda.
 
 

Leave a Reply