Masar: Qoys Dayuurad Xanibay

0
375

Qoys ka tirsan dalka Masar kana kooban lix ruux aya loo baajiyay dayuuradii uu raacayay Wasiirka Arimaha Gudaha ee dalkaasi taasi oo ku socotay Abu-dabai. Qoyskan oo ka mid ahaa rakaabka ayaa la waayay wakhtigii ay dayuuraddu duuli lahayd.  Saraakiisha Madaarka ayaa dayuuradda ku amray inay ka tagto qoyska laakiin taasi waxa is hortaagay oo diiday Duuliyihii. Ciidanka amaanka ayaa loo diray inay qoyska ka soo baadhaan huteelada Madaarka. Waxaana markii danbe laga helay iyagoo ka quraacanaya Huteelka Transitka ee madaarka. Dayuuradda ayaa dib u dhacday muddo 45 daqiiqo, taasi oo aanu jeclaysan wasiirka oo ah general ka tirsan ciidanka Masar.

Leave a Reply