Habka Qadiimiga Ah Ee Malabka Lagula Baxo

0
357

Sida ay tilmaameen cadaymo taariikhi ah iyo sawirada godadka iyo jiridda geedaha ee Masartii hore, godadka Spain, Lama degaanka Libiya iyo AL- jeriya ayaa muujisay in Aadamigu yaqaaneen malabka iyo la soo bixistiisa muddo ka badan 13 kun oo sandood. Waxa kale oo cadaymo muujiyeen inuu Aadamigu ilaa 8 sandood ah yaqaaneen sida Shinnida loo dhaqdo.
Qaababka ugu yaabka badan ee shinida loo goosto ayaa noqday mid ay isticmaali jireen qabiilada Bayak oo degan dalka Kongo. Qaabkan ayaa ah in mid ka mid ah raga qabiiladu u korayo geed dheer oo ilaa 40 mitir, halkaasi oo ay goob joog ahaanayaan gabadhiisa iyo caruurtiisu ka dibna dadka kale ee qabiiladu oo iyana hoos fadhiyaa ay shidayaan qiiq badan.  Qaabkan oo aad u cajiib badan ayaa laga sameeyay filim iyadoo shinidu aan markaasi samaynayn wax dhaqaaq ah qiiqa awgeed.
 

Leave a Reply