Mudaharaad Rabshado Watay Oo Shalay Ka Dhacay Magaalada Berbera

0
354

Hargeysa, (Dawan)- Ciidamada Booliska Magaalada Berbera  ayaa xoog ku kala dareeriyey dad cadhaysan oo shalay magaalada Berbera ka dhigayey banaan-bax rabshado iyo gacan ka hadal watey oo ay ku diidan yihiin   go’aankii dhowaan xukuumadu ku wareejisay Warshadda Laydhka magaalada  Berbera. Taas oo xukuumadu  maamulkeeda iyo gacan ku haynteedaba  ku wareejisay mid ka mid ah shirkadaha ganacsatada ah ee  muwaadiniinta reer Somaliland leeyihiin  oo maal gashi ku samayn doona  wershadaas, oo iyaga iyo xukuumadu ay shuraako ku noqon doonaan.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar oo  bananbaxaas  uga waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBC-da ayaa sheegay  in bananbaxaa oo   ahaa mid ay samaynayeen  dad aan badnayni uu markiiba iska dhamaaday, isla markaana aanay jirin cid waxyeelo ka soo gaadhay iyo wax khasaare ah oo ka dhashay toona.
Dadka mudaharaadka dhigayey oo sida la sheegay ahaa dad la soo khalday, oo ay soo abaabuleen xubno ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Berbera, iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada Berbera, iyaga oo isla markaana  qaar ka mid ah wadooyinka laamiga ah ee magaalada dhex mara ku gubayey Taayiro ay siteen,  sidoo kalena gaadiidkii wadooyinka marayey iyo meheradaha ganacsiga oo goobtaas ka ag dhowaaba ku tuurayey dhagxaan iyo waxyaabo kale oo ay siteen. Taas oo  sababtay in Ciidamada amaanku markii dambe xoog ku kala eryaan dadkii mudaharaadkaas dhigayey.
Geesta kalena mudaharaadkan ka dhacay magaaladaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay maalmo yar uun ka dib markii Golaha deegaanka Magaalada Berbera soo saaray go’aan lagu tilmaamay in uu ahaa mid majaro habawsan, oo ay  ku sheegeen  gole ahaan inay  ku diidan yihiin talaabada xukuumadu ku wareejisay   wershadaas oo ah  hanti ay  dawlada dhexe iska leedahay  isla markaana sida sharcigu dhigayo ay xukuumadu xaq u leedahay wareejinteeda, iibinteeda, kiraynteeda, hibaynteeda iyo ku tagri falkeeda oo dhan. Balse  aanu jirin haba yaraatee  wax shuqul ah oo golaha deegaanka  iyo dawladda hoose ee Berberi ku leeyihiin wershadaas iyo wax masuuliyad ah oo  arinteeda ka saarani toona.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply