Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Ay Xukuumadiisu Mudnaanta Siinayso Aqoonsi Raadinta

0
326

Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Somaliland ay go’an tahay inay u halgamaan aqoonsigooda, waxaanu saadaaliyay inay mar uun hanan doonaan aqoonsiga ay xukuumadiisu dedaalka weyn ugu jirto.
Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay   kulan qado sharaf  iyo is xog waraysi ah oo uu shalay  kula yeeshay  xarunta qasriga madaxtooyada xubno ka mida Golaha deegaanka ee magaalada Sheffield  ee dalka Ingiriiska oo socdaal ku yimid dalka.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay kulankan qado sharafta ah ee uu la qaatay xubnahan ka socday Golaha Deegaanka ee magaalada  Sheffield oo badhtamihii sanadkii 2014 aqoonsaday   Somaliland ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ka go’an tahay in ay raadiso aqoonsigeeda, waxaana uu uga mahad-naqay talaabadii geesinimada ahayd ee ay caalamka ugu horseedeen aqoonsiga madax-banaanida Somaliland.
“Waxa aan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa Golaha Deegaanka ee Sheffield oo ictiraafay Somaliland, Illaahayna waxaan ka baryayaa in ay kuwa kalena ku daydaan oo Somaliland ictiraafkeedu halkaa ka soo dhawaado, waxaanan u sheegayaa dadka  Somaliland meel ay joogaanba in xukuumada ay ka go’an tahay ictiraaf raadintu oo ay  u halgamayso sidii  ay aqoonsi uga heli lahayd caalamka, waanay heli doontaa haddi ALLE yidhaado,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
 
 
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland qalbigoodu ku yaalo Golaha Deegaanka ee Sheffield, waxaana uu yidhi “Waxa farxad weyn innoo ah in aanu maanta (shalay) halkan ku marti gelino Golaha Deegaanka ee magaalada Sheffield ee aqoonsaday madax-banaanida Somaliland.dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan Sheffield iyo Golaheeda Deegaanka waa dad qalbigooda ku yaalla oo kal-gacal badan  aanu u hayno, waa dad noo hiiliyay oo Somaliland iyo horumarkeeda iyo ictiraafkeeda aad uga shaqeeyay.”
Waxa iyaguna halkaasi xubno ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Sheffield oo sheegay in Somaliland tahay dal u qalma aqoonsigii ay siiyeen kal-hore, waxaanay ammaaneen dawladnimada shaqaynaysa, nabad-gelyadda iyo dimuqraadiyada ka jirta Somaliland.
Geesta kalena, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay  cafis u fidiyay laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorame oo la xidhay ka dib markii lagu eedeeyay inay bulshada gobolka awdal ay kicinayeen.
Cafiska madaxweynaha waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;
Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.
Wuxuu Go’aamiyey: In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahim Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.”
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply