Sacuudiga: Dibi Yar uu Ku Dhashay Weji U Eeg Kan Dadka

0
342

Tuulooyinka durugsan ee Sacuudiga ayay ka dhacday arin yaab ku riday dadkii degenaa ka dib markii nin Adhi raacato ah uu u dhashay wayl yar oo wejigiisu uu aad ugu eeg yahay kan banii’aadamka. Dadka tuulada degan ayaa si aad usoo booqday xeradii uu ku jiray waylka yari, waxayna sheegeen inay tani tahay markii ugu horaysay ee halkan arin noocan ahi ka dhacdo.
Dhakhaatiirta xoolaha ayaa sheegay inay tani tahay xaalad naadir oo laga yaabo inay ku timi hida sidaha oo isbedel ku yimi. Waxayna sheegeen in aanu sii noolaan doonin muddo dheer ka dib markii ay cadeeyeen in xubnahiisa gudaha aanay u shaqaynayn si caadi ayna jiraan xanuun uu la il daran yahay wakhtigan uu dhashay. Qaar ka mid bulashada deegaanka ayaa sheegay inay mucjiso Allah (sw)  tusay dadka ay tahay, sidaas darteedna aanay dhici Karin inuu siiba noolaado.

Leave a Reply