Waqooyiga Nayjeeriya oo laga Qaxayo

0
385

Hay’adda caafimaadka ee MSF ayaa sheegeysa inaysan suuragal ahayn in la gaadho dad badan oo waxyeelo ay ka soo gaadhay qalalaasaha dhowaanahan ka taagan waqooyi bari dalka Nigeria, taas oo ay ugu wacan tahay halista halkaasi ka jirta.
Ururka Islaamiga ha ee Boko Haram ayaa dhowaantan waxa ay qabsadeen magaalada Baga, goobjoogayaal ayaana sheegaya in boqollaal qof lagu dilay halkaasi.
Hay’adda MSF waxa ay sheegeysaa in qiyaastii 5,000 oo qof ay maalmahan u carareen magaalada weyne ee Maiduguri, kuwaas oo ku biiraya nus-milyan oo qof oo horey uga barakacay dagaalka halkaasi ka jira.
Hay’adda waxa ay sheegeysaa in xaaladda bini aadamnimo ay ka siidareyso, ayna ka walaacsan yihiin dadka dhibban oo aysan caawin karin.
Tirada dadka ka qaxaya Baga iyo nawaaxigeeda ayaa sare u sii keceysa, iyadoo Boko Haram ay ku sii baahayaan nawaaxiga deegaankaasi, sida hay’addu sheegtay.
Dhanka kale, Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, oo lagu magacaabo, Marie Harf, ayaa sheegtay in Boko Haram ay dhul balaadhan oo hor leh ka qabsatay gobolka.
Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in aan la ogaan karin waxa ay ka sameynayaan deegaanada ay awoodda u leeyihiin inay maamulaan.
 

Leave a Reply