Xasuuqii Iskuulka Bakistan oo Dad loo Diray

0
362

Shan qof oo looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen xasuuqii bishii hore ka dhacay iskuulka Peshawar ee dalka Pakistan ayaa lagu xidhay xadka uu dalku la wadaago Afghanistan.
Xidhitaanka ayaa yimid kadib markii dawladda Pakistan ay xukuumadda Kabul la wadaagtay xog arrintaasi ku saabsan.
Laakiin saraakiisha laamaha ammaanka ee Afghanistan waxa ay diideen in shantaasi qof lagu wareejiyay dalka Pakistan, waxayse doonayaan in marka hore ay su’aalo ku waydiiyaan gudaha Afghaanistaan.
Saraakiisha Afghanistan waxa ay rumaysanyihiin in raga la qabtay aysan si toos ah ugu luglahayn werarkaasi, balse ay si dadban uga qayb qaateen xasuuqii Iskuulka.
Boqol iyo afartan iyo sagaal qof oo badankoodu ay caruuryihiin ayaa ku geeriyooday weerarkaasi.
 
 
 
 

Leave a Reply