Guddoomiyihii Garabka Haweenka Waddani Ee Togdheer Oo Iscasishay

0
400

Burco (Dawan): Guddoomiyihii garabka haweenka xisbiga mucaaradka  Waddani ee gobolka Togdheer Aamina Xasan Samatar  ayaa sheegtay in ay iska casishay xilkii ay ka haysay xisbigaasi.
waxaanay  tilmaamtay in  damiirkeedu siin waayay in ay ka sii mid ahaato Xisbga Waddani , iyadoo sheegtay in uu yahay xisbi aan  loo sinayn, isla markaana beel qudha u af-duuban.
Aamina Xasan oo shalay warbaahinta kula hadashay magaalada Burco ayaa  ay ku eedaysay xisbiga Waddani inuu kula kacay cunsuriyad, waxaana ay tilmaantay in Waddani noqday xisbi beel kaliya ah.
Waxaanay tidhi “Halkan waxa aan ka cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga Waddani ee garabka haweenka ee gobolka Togdheer, markaan arkay in aanu ahayn xisbi dimuqraadiya oo dadku u siman yihiin, waxaana ku biiray xisbigaas taariikhdu markay ahayd 2014 bishii koowaad imika oo aan iscasilayana taariikhdu waxa weeye 2015 bishii koowaad  15keedii.”
 
Aamina Xasan waxa ay tilmaantay in xisbiga Waddani yahay xisbi qabiil, waxaanay tidhi, markaan arkay inuu yahay xisbi qabiil Waddani oo garab garaba, xisbigaas oo aan odhan karo maaha xisbi cod doonaya.
Xisbigaas oo aan ahayn mid loo siman yahay ee ah mid qabiiliya, xisbigaas oo qofkii soo galaaba cid caaya waxaan ku cadaynayaa in uu xisbi qabiil yahay anigoo bariga Burco  ka furay saddex guri ayaa iyaga guryahooda oo guddoomiye ku xigeenka garabka haweenka ee gobolka Togdheer ee xisbiga Waddani xafiiskeeda waxa ku cad qabiil oo waxa ku yaala isha Burco. Anigu waxa aan ahaa qaran oo waxa aan ku taxay  meesha aan ka soo jeedo Waddani oo Cirana aan madaxa ku sito, markaan arkay in aanu ahayn wax sonaya waxa aan go’aansaday in aan iska casilo xilkii aan ka hayay xisbiga Waddani.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply