Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Maraya Deegaamadda Ku Teedsan Xuduuudka Itoobiya Xalayna U Hoyday Baligubedle

0
389

Baligubadle(Dawan): Madaxweynaha Somaliland  Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ee socdaalka ku marayey Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa shalay  safar dheer ku maray Deegaanada u dhexeeya magaalooyinka Wajaale ee gobolka Gabiley iyo gobolka Hawd.
Madaxweynaha ayaa tuullo-tuulo u istaagay deeganadii uu socdaalka ku maray iyadoo meel kasta oo ay weftigu marayeenba si weyn loogu soo dhaweynayey, madaxweynuhuna xadhiga ka jarayey mashaariic la dhammaystiray, halka kuwo cusub-na u dhagax dhigay.
 
Subaxnimadii shalay ayaa  madaxweynuhu waxa uu magaalada Tog-wajaale ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo uu ka mid yahay garoon kubadda cagta ah oo loo dhisi doono Dhalinyarada Degmada Wajaale, halka sidoo kalena uu kormeeray wax soo saarka midhaha beeraha ee Ciidanka qaranka Banka Wajaale, isagoo warbixino faahfaahsana ka dhegaystay saraakiishii goobahaasi ku sugnayd,
 
 
Tuulada Geed-balaadh oo uu weftiga Madaxweynuhu sii  maray waxa Madaxweynuhu soo  kormeeray shaqaale ka tirsan wasaaradda Xanaanada xoolaha oo hawl xoolo daaweyn ah ka waday tuuladaasi iyo nawaaxigeeda.
 
Isla shalay duhurnimadii ayaa  weftiga madaxweynuhu waxay hadhsadeen Degmada Allay baday oo casuumad balaadhan loogu sameeyey,  waxaana madaxweynuhu intii uu ku sugnaa degmadaasi uu xadhiga ka jaray Dhismaha cusub ee loo dhisay guriga Martida ee degmada waxaana uu kormeeray halka ay marayso wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Allay-baday iyo Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
 
 
Sidoo kale gelinkii dambe ee shalay  Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay tageen degmada Faroweyne halkaas oo uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Riig ceel Biyood ah oo halkaa laga dhamaystiray, halka sidoo kalena madaxweynuhu Riig ceel biyood oo cusub ka taagay tuulada Waddo Makaahiil oo isla aagaas ka tirsan,  halka uu   kale madaxweynuhu  dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga dhisi doono.
 
Madaxweyne  siilaanyo iyo weftigiisa ayaa  sii maray deegaamo badan oo ay ka mid tahay waddo Bariis iyo meelo kale oo ka mid ah deegaamadda  ku teedsan xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.
 
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay socdaalka Weftigan uu hogaaminayo madaxweynuhu   waxa uu  xalay  ku hoyday magaaladda  Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd, iyadoo markii uu gaadhay halkaasi uu kala kulmay soo  dhoweyn balaadhan.
By: Dawan staff
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply