Prof. Samatar Oo Tilmaamay Qodobo Aqoonsi Raadinta Somaliland Wax Ka Taraya Kana Digay Shirqool Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ay Waddo Soomaaliya

0
442

Hargeysa (Dawan):  Axmed Ismaaciil Samatar ayaa faah faahin ka bixiyey caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan in Somaliland aqoonsi hesho iyo in ay dunida ku yeelato dawlado saaxiib la ah oo kala shaqeeya qadiyada  Ictiraaf raadinta ee ay mudada dheer dedaalka weyn ugu jirtey.
 
Prof. Samatar waxa uu sidaasi  kaga hadlay khudbad dheer oo uu  Khamiistii ka jeediyey Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, halkaa oo ay  Wasaaradda Warfaafinta   Somaliland qado sharaf ugu samaysay, ka hor intii aanu dalka ka ambo bixin.
 
Waxaanu tilmaamay in isagu shakhsi ahaan caqabadaha ugu daran  ee Somaliland ka hor taagan inay beesha caalamka ka mid noqoto uu u arko  in ay sabab u yihiin sadex arimood oo uu ku sheegay qorshe la’aan, meelihii la abaadhi lahaa oo aan la calaamadsan iyo koox dad ah oo qorshahaas fulisa oo aan la hawlgelinin.
 
Isagoo  intaasi raaciyay  Prof.  Samatar in arrimahaasi u baahan yihiin in dhaqaale la galiyo.
 
 
Waxaanu yidhi  “Aniga siday ila tahay, Somaliland waxaa ka hortaagan inay beesha caalamka ka mid noqoto saddex qodob oo waaweyn waxaanay kala yihiin:-

  1. Somaliland oo mudadaas saddex iyo laabatanka  sannadood iyo badhka ah  ee ay jirtay  aan samaynin Qorshe cad(Strategy Plan) oo Calaamadsan, waayo haddaad dagaal galayso waa inaad samaysato, Qorshihii aad ku dagaal geli lahayd oo dhan. Sidaa darteed waa waajib inaynu samayno oo uu jiro Qorshe cad oo tifaftiran, oo dhinac walba laga eegay si aynu u jebino  dood kasta la inagala hor yimaado.

 

  1. Dadkii Qorshahaas qaadayay:- waa in la sameeyo koox dad ah oo Qorshahaas qaada oo wadajir iyo team ahaan u fuliya, laakiin  ma socoayso in Wasiir iyo qof keliya oo la socdaa yidhaahdaan anagaa qorshahaas qaadayna.

Markaa dadka qorshahaas qaadaya ee fulinayaa  waa inay noqdaan koox aad dhistay, oo uu qof waliba yahay mid waxbartay oo la  soo xulay.
 

  1. Meelaha Qorshahaas la gaynayo waa in la yaqaan:Qorshahaas marka la diyaariyo waa in  halka la gaynayo ee lala tegayo iyo cida loola tegayona la gartaa. Laakiin hadii aan laba garanayn meesha qorshahaas la geynayo ee ictiraafka laga doonayo, waxba kuu socon maayaan”.

 
 
 
dhinaca   kale   Prof. Samatar waxa uu ka digay qorshe Somaliland ka dhan ah oo ay xiligan wado  dawlada Soomaaliya, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay qorshe ay ku carqaladayso xidhiidhka ay  Somaliland caalamka la yeelanayso.
 
Waxaanu   dawlada Somaliland iyo  shicibkeedaba ugu baaqay inay arintaas iska ogaadaan, si deg deg ahna uga hawl galaan.
 
 
Prof. Samatar khudbadiisaas oo aad u dheerayd waxa kale oo uu kaga hadlay arimo faro badan oo ay ka mid yihiin sida loo kobcin karo dhaqaalaha wadanka, ee wax looga qaban karo shaqo la’aanta baahsan ee haysata muwaadiniinta reer Somaliland.
 
Isaga oo isla mar ahaantaana tilmaamay  in arintaas wax ka qabashadeedu u baahan tahay in laga wada shaqeeyo oo aan lagu halaynin xukuumada oo keliya. Sidaas darteedna waxa uu ganacsatada reer Somaliland iyo xukuumadaba u soo jeediyey inay iska kaashadaan sidii ay dhaqaalaha wadanka iyo horumarkiisa uga wada shaqayn lahaayeen, ummadana ay shaqo abuur ugu samayn lahaayeen.
By: Dawan staff
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply