Malaawi oo ay Daadad ku Dileen 170 Qof

0
364

Masuuliyiinta dalka Malaawi ayaa sheegay inay ugu yaraan ku dhinteen 170 qof daadad soo rogmaday oo sii kordhiyay tiradaasi.
Roobab xoogganaa oo da’ayay  ayaa xaaqay aqallo badan  bishii hore, waxaanay sababeen in ay dadkii degganaa u yaacaan dhulka taagga ah iyada oo qaarna  u tallaabeen xadka Muzambiik.
Madaxweyne kuxigeenka  Saulos Chilima ayaa sheegay inay dad ka badan  100,000  oo qof ka barakaceen guryahoodii, kuwaasi oo u badan koofurta.
Horaantii toddobaadkan ayaa dawladdu ku dhawaaqday  inay ka jirto masiibo saddex dalool dalkaasi, waxaanu codsatay gargaar.
 

Leave a Reply