Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka Wadahadlaya Amniga

0
361

Ra’iisul wasaaraha Britain David kameroon ayaa ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Mr kameroon ayaa wadahadallo la leh madaxweyne Obama, waxaana la filayaa inay diiradda saraan arrimaha amniga.
Labada hogaamiye ayaa shaaca ka qaadi doona barnaamij cusub oo looga hortagayo weerarada dhanka inetrnetka ah.
Mr kameron ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhan looga soo jeesto kuwa loo arkey inay duullaanka ku yihiin.
Waxa uu ku sharaxay dhacdadii dalka Belgium inay tahay calaamad kale oo muujineysa halista Dowladda Islaamka.
Waxa uu tilmaamay in lagamamaarmaan ay tahay in sirdoonka iyo laamaha kale ee amniga ay wada shaqeeyaan.
 

Leave a Reply