Booqashada Madaxweynaha Nayjeeriya ee Waqooyiga Dalkiisa

0
375

Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathan ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay gobolada waqooyi Bari kaddib xasuuq halkaasi ay ka geysteen Boko Haram.
Waa booqashadiisii ugu horeysay tani iyo 2013kii. Booqasho kale oo uu ku tagi lahaa Chibok, oo ah meesha laga afduubtay in kabadan 200 oo gabdho ayaa la joojiyay bishii May ee sanadkii hore.
Booqashada Madaxweyne Goodluck Jonathan ee Maiduguri, oo ah xarunta gobolka Borno, ayaa waxaa ay ahayd mid qarsoodi ah iyadoo amniga aad loo adkeeyay.
Waa markii labaad oo uu halkaasi tago tan iyo markii uu xilka madaxweyne qabtay, lix sano ka hor.
Madaxweyne Goodluck Jonathan Waxa uu booqday xeryaha ay ku jiraan dadka barakacay.
Balse mid ka mid ah dadkii ka qaxay weerarkii Baga ayaa dowladda ku eedeeyay inaysan waxba u qaban oo aysan daryeelin.
Waxa uu qofkaasi tilmaamay in dowladda ay ka aamustay markii sida xayawaanka loo dilayay.
Markii Madaxweyne Jonathan uu joojiyay safarkiisii bishii May uu ku tagi lahaa Chibok, waxaa soo baxay eedo loo jeedinayay oo ahaa inuu ka gaabiyay ka jawaabidda dhibaatada haysta in kabadan 200 oo gabdho iskuuley ahaa oo la afduubtay.
Iyadoo doorashada dalka Nigeria ay ka harsan tahay in kayar bil, eedaasi weli ma aysan baabi’in.

 
 

Leave a Reply