“Odayaasha Reer Awdal Madaxweynuhu wuxuu u balanqaaday inuu fulin doono tabashadooda wixii suurto-gal ah, waxna ka qaban doono”…

0
377

Tog-wajaale (Dawan): Wasiirka  Warfaafinta  Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo cuqaasha iyo culimo aw diinka gobolka Awdal ay isku afgarteen in wixii tabashooyin ah la dhameeyo.
Wasiir Cukuse oo ka mid ah weftiga  uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Togwajaale ayaa waxa uu tilmaamay in ay soo bandhigeen cuqaasha Awdal in madaxweyne Siilaanyo yahay madaxweynaha kaliya ee wax ka qaban kara tabashadooda.
Wasiir Cukuse oo arrintaasi ka hadlayaan waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu kulan balaadhan kula yeeshay magaalada Boorama odayaasha, waxgaradka iyo culimo awdiinka kulankaas waxa ay madaxweynaha isku waydaarsadeen arrimo la xidhiidha xaalada gobolka Awdal iyo horumarintiisa, odayaashu waxay halkaa ka soo jeediyeen talooyin wax ku oola oo mabdiiyan fikrada ay qabaan iyo dacaayada gobolka laga fidiyo sida ay u kala duwan yihiin, waxa ay sheegeen in gobolka Awdal yahay gobolada ugu nabadoon ee Somaliland ee ku taama horumar, xukuumadana uga mahad naqaya waxa ay u qabatay.”
 
Wasiirka Warfaafinta waxa uu tilmaamay in madax dhaqameedka Awdal Madaxweynaha u sheegeen in tabashadoodii cadowgu ka faa’iidaystay.
waxaana uu yidhi “Waxa kale oo ay sheegeen tabashooyinkii barigii dhawayd salaadiinta gobolka Awdal u soo gudbiyeen Madaxweynaha inay ahaayeen tabashooyin  la mida sida bulshada kale ee Somaliland u gudbiyaan laakiin uu cadawgu ka faa’iidaystay, imikana ay raali ka yihiin Madaxweynahana ay og yihiin in u diyaar u yaha in wax ka qabto intii suurtagal.
waxa  kale oo ay sheegeen in tabashooyinkoodu aanay ahayn tabashooyin wakhtigan madaxweyne Siilaanyo ku qaloocday ee ay yihiin tabashooyin muddo soo  qaloocanayay laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo madaxweynaha Somaliand u doorteen in uu yahay Madaxweynaha kaliya ee ay is yidhaahdeen xal buu u heli karayaa, Madaxweynuhuna waxa uu balanqaaday inuu fulin doono oo wixii suurtagal  oo uu wax ka qaban doono.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply