Shirkadda Google Oo Tijaabinaysa Muraayad Sida Mobile Ka U Shaqaynaysa Oo Ay Soo Saartay

0
397

Shirkadda google ayaa shaacisay inay tijaabadii kowaad gashay muraayad ay dhowaanahanba ku hawlanayd soo saarideeda oo lagu magcaabo Google Glass,taas oo loo isticmaalaayo laba hab,kuwaas oo kala ah ,mid sida muraayada loo xidhanaayo iyo mid loo isticmaalaayo sida taleefanka iyo computer-ka labadaba.
Waxaana laga dhex akhrisan karaan waxyaalaha laga dhex akhristo mobile iyo sidoo kalena computer-ka intaba,iyada oo loo isticmaalaayo sidooda.
Muraayadan ayaa hore suuqa looga joojiyey iyada oo dhibaato lagala kulmay ,waxaanay sheegeen waqtigaasi hore inay joojinayaan isticmaalkeeda caadiga ah ,laakin loo ogolaan doono dad tiro yar,gaar ahaana laamaha amaanka.
Waqtigan ayay shirkaddu wax ka bedel balaadhan ku samaysay muraayadaasi ,iyada oo waxyaalo badan a saartay meesha sidoo kalena waxyaalo cusub kusoo kordhisay,gaar ahaana dhinaca araga oo ay wax weyn u dhimi jirtay ,halka ay iminka caadi tahay .
Sidaasna waxa lagu qoray wargeyska lagu magcaabo Wall Street Journal ,waxaana lagu sheegay warbixintaasi in dhowaan suuqyada lagu soo deyn doono muraayadaasi .


 

Leave a Reply